Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka dalka oo kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan Midowga Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo kulamo kala duwan la qaatay madax ka tirsan Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carteh iyo wafdi uu hogaaminayay oosafar shaqo ku jooga dalka Biljimka ayaa la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan Midowga Yurub.

Mudane Carte ayaa kala hadlay madaxdaasi arrimo baadan oo ku saabsan horumarka iyo samafka ay siiyaan Soomaaliya. Waxaa kale oo barbar socday kulamo kale oo Midoga Yurub soo qaban-qaabiyeen oo looga hadlayey sidii loo hirgelin lahaa Agendaha 2030 ee Horrumarka Waara.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

R/wasaare ku xigeenka ayaa ka qayb qalay  furitaanka shir muhiim ah isaga iyo hoogaamiyayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin, Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Boqoradda Belgium, Madaxwaynayaasha Mauritius, Burkino-Faso, Kenya, R/wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo badan.

Shirkaas oo lagu falanqaynayey doorka ay Midowga Yurub ka qaadan karto dib u dhiska wadamada ay saameeyeen, dhibaatooyinka la xiidhiidha is bedelka cimilada adduunka iyo dagaallada sokeeye iyo sida ay bulshadu ugu dhabar adaygi layhayd aafooyinka.

R/wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamaed Cumar Carte ayaa  kulumo gaar gaar ah oo kala duwan la’yeeshey Gudiyadda Midowga Yurub. Sida, gudiga Iskaashiga Caalamiga, Arimaha Dibedda, ganacsiga,  iyo Amniga.

 Carte oo warbixin ka bixiyay horumarka iyo guulaha laga gaaray xagga amniga, dhaqaalaha iyo siyaadda dalka. isagoo hoosta ka xariiaqay in Somalia aanay uga bixin Karin marxaladdan macaawino keliya ee loo baahan yahay in dawladaha iyo sharikadaha Yurub ay Somalia maalgashadaan.

Mudane, Maxamed Cumar Carteh, waxuu sidaa si la’eg u xaqiijiyay in dowladda ka go’an tahay in sanadkan 2016ka ay waddanka doorasho ka dhacayso, lana fulinayo balan qaadkii ahaa in dowladdu xukunka ku wareejiso dawlad la soo doortay.

Ra’iisul Wasaara ku xigeenku wuxuu ku adkeeyay madaxda sare ee Midowga Yurub in ay Somalia si buuxda uga taageeraan sugidda amniga, ilaalinta khayraadka iyo amniga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Waxay Midowga Yurub u xaqiijiyeen Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka in ay ku faraxsan yihiin soona dhawayeen horumarka dowladdu ay ka sameysay dhinacyo badan sida kobcinta dhaqaalaha, amniga, iyo meel-marinta siyaasadda amniga badaha iyo xeebaha Soomaaliyeed.

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee todobadkii la soo dhaafay+Sawirro

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In