Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 25, 2016
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirki dib eegista dastuurka “Sawirro”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayay  sida bulshada looga qayb galinkaro dastuurka.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha Dastuurka, gudiga la socodka dastuurka ee barlamaanka iyo Gudiga madaxa banaan ee Dasturka iyo qaybaha Bulshada.

Related posts

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

July 6, 2025
Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

July 6, 2025

Abuukate Maxamad oo ku hadlayay afka Gudiga maddaxa banan ee dastuurka iyo Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka  ee baarlamaanka ayaa si isku mid ah u soo dhaweyay go’aamada ka soo baxay Shirkaan.

Wasiirka arimaha Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh ayaa ku tilmaamay shirkaan mid guul ku soo dhamaaday waxa uuna sheegay in ay dhiiri galinayaan wadatashiyada Bulshada rayidkaa.

Ra’iisul waasare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in loo bahan yahay in loo bahanyahay in sharaxaad dheeraad ah loo sameeyo qodobada dastuurka.

“waxaa loo bahanyahay qodobada dastuurka in qodob walba uu helo sharaxaad maxaa yelay waxaad arkaysaa qodob hadba qolo ay dhan u fasiranee tusaale Atoorni qolaba dhan ay u fasiree qolo xeer ilaaliye qolana Garyaqaanka guud marka waa in aad ka doodaan sida uu qodobku uheli karo sharaxaad” ayuu yiri R/wasaare ku xigeenka dalka.

halkan hoose ka akhriso war-murtiyeedka laga soo saaray shirka

Kulanka wadatashiga  ka dib, waxaa ururada bulshadda rayidka ah iyaga oo la tashanaya Wasaaradda Arrimah Dastuurka soo jeedeeninayaan qodobada hoos ku qoran;

Waxaa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in  dib-u-eegista dastuurka iyo holwaha lagu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u hayaan Soomaalida si dastuurku u noqdo mid Soomaali leedahay.
In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga La socodka Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista Dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka iyo Bulshada Rayidka ah ay ka wada-shaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi-socodka dib-u-eegista
Kulankan waxa uu hoosta ka xariiqayaa in la tixgeliyo Xauquuqda siyaasadeed ee Haweenka Soomaaliyeed.
Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha-dhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siyaasiyiinta.
Dastuurku waa in lagu qoraa Afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo
Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka  ah ay ka tala-galiyaan ururada bulshada rayidka  fariimaha lagu baahinayo aaladaha warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuurmo  dareen dhib u keeni kara geedi-cosdka dib-u-eegista dastuurka.
Qaybaha ugu culus dib-u-eegista dastuurka waa arimaha quseeya siyaasadda, sidaas darteed waa in la qabto kulamo  balaaran (town hall meetings) oo ay qayb ka yihiin urrurada Bulshada Rayidka ah  oo lagu soo Bandhigayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga. ah.
In bulshada rayidka ah, gaar ahaan ururada qaabaysan, ay noqdaan codkii u hadli lahaa dadweynaha.
In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka, muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda
In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo  dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas
Waan in bulshadda  baahida gaarka ah leh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan  lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.
Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiyaan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Gobaleedyadda iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan  xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana  ay si joogta ah ula shaqeeyaan  kana tala qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi- socodka dib-u-eegista dastuurka.
Maamuladda dalka ka jiraa  waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–u-eegista iyo  faafinta dastuurka.
Waxaan soo Dhowaynaynaa Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka oo la isku raacay in Garoowe lagu qabto 25 May 2016, waxaan ka codsanaynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in si weyn loo tixgeliyo ka qaybgelinta urrurada Bulshada Rayidka ah Shirweynaha Qaran.
Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Urrurada Bulshadu Rayidka waa in la joogteeyaa kulamada noocan ah.
Waxaan u  mahad-celinaynaa dhaamaan ka qayb-galayasha ka kala yimid dalka oo dhan, qaban-qaabiyayaasha shirkan socday labada maalin iyo hay’adihii gacanta ka gastay in uu si guul ah ku dhamaado.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Previous Post

Mudanayaasha Baarlamaanka oo dood ka yeeshay hindise sharciyeedka dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed

Next Post

Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo ka hadashay ilaalinta xuquuqda eedeysanaha

Next Post
Dadkii ka dambeeyey weerarradii Baydhabo oo la xukumay

Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo ka hadashay ilaalinta xuquuqda eedeysanaha

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu...

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

July 6, 2025
0

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In