Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare ku xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare ku xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Sharciga lagu sameynayo Hay’adda Ilaalinta Xeebaha iyo Badaha Soomaaliyeed. waxana ka soo qeyb galey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kadiye.

Ujeedda kulanka ayaa ahaa sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa Sharcigii hore 1959 ilaa 1988 lagu dhaqayay xeebaha Soomaaliyeed, iyadoo ay sharcigani soo bandhigtay Hay’adda IMO oo ka shaqaysa sharciyada ilaalinta Xeebaha Caalamka.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane M. Cumar ayaa sheegay in Sharcigani uu koobsanayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badaha Soomaaliyeed, ka ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed qashinka lagu shubo, Ganacsiga badaha oo 2030 la rabo in uu laba jibaarmo, iyadoo arrintaa ay ka faa’iideysanayso Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya taageereyso sharciyada caalamiga ah ee lagu dhaqo badaha iyo kan hadda dib-u-eegista lagu sameynayo ee Soomaaliya. Sidoo kale sharcigani wuxuu ka shaqayn doonaa badbaadinta dhalinyarada ku dhimanaya badaha, iyadoo la burburinayo Shabakadaha ka shaqeysta Tahriibka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Maxamed Cumar ayaa u mahadceliyey cid walba oo gacan ka geystay sharcigani, gaar ahaan Hay’adda soo bandhigtay ee IMO iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

2

unnamed

1

Previous Post

Golaha Wasiirada oo taageerey Baaqii Culima’udiinka ee looga soo Horjeeday weerarkii Madiinatul Munawara+Sawirro

Next Post

Banana bax lagu dhaleecaynayo qaraxii Madiina oo Muqdisho ka socda

Next Post
Banana bax lagu dhaleecaynayo qaraxii Madiina oo Muqdisho ka socda

Banana bax lagu dhaleecaynayo qaraxii Madiina oo Muqdisho ka socda

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In