Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare ku xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare ku xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Sharciga lagu sameynayo Hay’adda Ilaalinta Xeebaha iyo Badaha Soomaaliyeed. waxana ka soo qeyb galey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kadiye.

Ujeedda kulanka ayaa ahaa sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa Sharcigii hore 1959 ilaa 1988 lagu dhaqayay xeebaha Soomaaliyeed, iyadoo ay sharcigani soo bandhigtay Hay’adda IMO oo ka shaqaysa sharciyada ilaalinta Xeebaha Caalamka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane M. Cumar ayaa sheegay in Sharcigani uu koobsanayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badaha Soomaaliyeed, ka ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed qashinka lagu shubo, Ganacsiga badaha oo 2030 la rabo in uu laba jibaarmo, iyadoo arrintaa ay ka faa’iideysanayso Soomaaliya.

Mudane Carteh ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya taageereyso sharciyada caalamiga ah ee lagu dhaqo badaha iyo kan hadda dib-u-eegista lagu sameynayo ee Soomaaliya. Sidoo kale sharcigani wuxuu ka shaqayn doonaa badbaadinta dhalinyarada ku dhimanaya badaha, iyadoo la burburinayo Shabakadaha ka shaqeysta Tahriibka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Maxamed Cumar ayaa u mahadceliyey cid walba oo gacan ka geystay sharcigani, gaar ahaan Hay’adda soo bandhigtay ee IMO iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

2

unnamed

1

Previous Post

Golaha Wasiirada oo taageerey Baaqii Culima’udiinka ee looga soo Horjeeday weerarkii Madiinatul Munawara+Sawirro

Next Post

Banana bax lagu dhaleecaynayo qaraxii Madiina oo Muqdisho ka socda

Next Post
Banana bax lagu dhaleecaynayo qaraxii Madiina oo Muqdisho ka socda

Banana bax lagu dhaleecaynayo qaraxii Madiina oo Muqdisho ka socda

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In