Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda xuquuqul insaanka dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda xuquuqul insaanka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay xaaladda xuquuqul Insaanka dalkeenna, kaasoo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan uu maanta furay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Ayaa waxaa Ka qayb galay wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka Caddaalada, wasiirka haweenka, wasiirka amniga Qaranka,  xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q.M. iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiirro ka socday maamul goboleedyada dalka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta xiliyeysan ee xaquuqda Aadanaha Soomaaliya taas oo Afartii sanaba mar loo gudbiyo,  gudiga xaquuqda Aadanaha ee Q.M. waana warbixin ay diyaarinteeda ka wada qayb qaateen hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, iyadoo wasaaradda haweenka iyo xaquuqda aadanahana ay hormuud u tahay .

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr.  Axmed Cali Daahir oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay ilaalinta xaquuqda Aadanaha,  isaga oo xusay in uusan jirin maanta dalka qof sabab la’aan xoriyadda looga qaadi karo.

Wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay door weyn ka qaadatay ilaalinta xaquuqda aadanaha, isla markaana ay wasaaradda haweenka gacan ku siisay diyaarinta warbixintan ka hadleysa xaquuqda aadanaha.

Ku xigeenka Ergayga Q.M. u qaabilsan Soomaaliya   RaisedonSenenga  ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya sida ay iskugu howshay wax ka qabashada falalka ka dhanka ah xaquuqda Aadanaha iyo diyaarinta warbixintan, wuxuuna balan qaaday in  Q.M. ay ku gacan siin doonto.

 Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka xukuumadda federaalka ah marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa, sharaxday muhiimadda warbixintani u leedahay Soomaaliya iyo heerarkii ay soo martay muddadii diyaarinteedu socotay.

 R/wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah mudane Maxamed Cumar Carte oo gaba gabadii ka hadlay shirkaas ayaa waxaa ku amaanay dhinacyadii ka qayb qaatay diyaarinta warbixintaan oo ay ugu horeyso wasaaradda haweenka howsha wanaagsan ee ay qabteen isaga oo balan qaaday in dowladda ay ka shaqeyn doonto in warbixintaas oo diyaarsan ay u gudbiso Q.M.

 

Previous Post

Qodobbada Xalinta Mooshinka 12kii August 2015 Iyo Micnaha Ereyga Qiyaanno Qaran,,,, Akhriso

Next Post

Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka oo lagu qabtay Kuwait “Sawirro”

Next Post
Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka oo lagu qabtay Kuwait “Sawirro”

Munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka oo lagu qabtay Kuwait "Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In