R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay xaaladda xuquuqul Insaanka dalkeenna, kaasoo lagu qabtay Muqdisho.
Shirkan uu maanta furay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Ayaa waxaa Ka qayb galay wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka Caddaalada, wasiirka haweenka, wasiirka amniga Qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q.M. iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiirro ka socday maamul goboleedyada dalka.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta xiliyeysan ee xaquuqda Aadanaha Soomaaliya taas oo Afartii sanaba mar loo gudbiyo, gudiga xaquuqda Aadanaha ee Q.M. waana warbixin ay diyaarinteeda ka wada qayb qaateen hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada, iyadoo wasaaradda haweenka iyo xaquuqda aadanahana ay hormuud u tahay .
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay ilaalinta xaquuqda Aadanaha, isaga oo xusay in uusan jirin maanta dalka qof sabab la’aan xoriyadda looga qaadi karo.
Wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wasaaradda amniga ay door weyn ka qaadatay ilaalinta xaquuqda aadanaha, isla markaana ay wasaaradda haweenka gacan ku siisay diyaarinta warbixintan ka hadleysa xaquuqda aadanaha.
Ku xigeenka Ergayga Q.M. u qaabilsan Soomaaliya RaisedonSenenga ayaa ku amaanay dowladda Soomaaliya sida ay iskugu howshay wax ka qabashada falalka ka dhanka ah xaquuqda Aadanaha iyo diyaarinta warbixintan, wuxuuna balan qaaday in Q.M. ay ku gacan siin doonto.
Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka xukuumadda federaalka ah marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa, sharaxday muhiimadda warbixintani u leedahay Soomaaliya iyo heerarkii ay soo martay muddadii diyaarinteedu socotay.
R/wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka ah mudane Maxamed Cumar Carte oo gaba gabadii ka hadlay shirkaas ayaa waxaa ku amaanay dhinacyadii ka qayb qaatay diyaarinta warbixintaan oo ay ugu horeyso wasaaradda haweenka howsha wanaagsan ee ay qabteen isaga oo balan qaaday in dowladda ay ka shaqeyn doonto in warbixintaas oo diyaarsan ay u gudbiso Q.M.