Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Ku xigeenka XFS oo xilka kala wareegay R/Wasaare ku-xigeenkii hore “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Ku xigeenka XFS oo xilka kala wareegay R/Wasaare ku-xigeenkii hore “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 08, 2017—–Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Mudane Maxamed Cumar Carteh Qaalib, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada.

Mudane Carteh ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu Qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka cusub Xilka, isagoo u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arrimaha Soomaaliya ka jira.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Cusub Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xil wareejinta kadib, u mahadceliyey masuulkii xilka uga horeeyey, wuxuna kula dar-daarmay shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan hay’addaha dawladdu in gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.

“Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto, iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Dawladeena iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Abukate Mahdi.

 

—-DHAMMAAD—

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray howlaha Bankiga dhexe “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulamo la qaatay Wafdi ka socda Qatar iyo Safiirka Norway ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
R/Wasaare Ku xigeenka XFS oo xilka kala wareegay R/Wasaare ku-xigeenkii hore “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo kulamo la qaatay Wafdi ka socda Qatar iyo Safiirka Norway ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In