Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Warbixiyay dadaalka Dowlada ugu jirto Gurmadka Fatahaada

May 8, 2018
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo Xildhibaanada ku Bogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ay u doorteen Guddoomiyaha cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar ) ayaa ka warbixiyay sida Dowada Soomaaliya ay kaga jawaabtay fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo dadaalada lagu xoojinayo u gurmashada dadkii ay qasaaradu ka soo gaartay fatahaadda wabiyada.

Mudane Mahadi Maxamed ayaa sharaxay deegaano ka tirsan Gobalka Gedo oo ay booqdeen, waxyaabaha ay kusoo arkeen iyo sida dadka uu u saameeyay Fatahaada.

“Waxaan indhaheena kusoo aragnay sida Baardheere wabiga u kala xiray dadka magaalada labadeeda dhinac, Luuq iyo Baardheere sida uu baabi’iyay Dalagii iyo Beerahii, dad badan oo Beereley Soomaaliyeed oo doonayay inay ka faa’iideeyaan waxsoo saarkii usoo baxay ayaa daadadkaas iyo Fatahaada Wabiga uu ka burburiyay tacabkii ay beereen”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in ay ku dhex lugeeyeen qeybo ka mid ah degmada Doolow oo ay aad ugu riyaaqeen nabada ka jirta.

“Waxaan ku dhex lugeynay Degmada Doolow, iyadoo ay ka tarjumeyso nabad galyada qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ku naaloonayaan, waxaan soo aragnay dadka degmada Doolow sida daadadkii iyo roobabkii waa weynaa ay u barakiciyeen dadkii magaalada qeybo badan oo ka mid ah”.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay baaq u dirtay Bulshada Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka, dadaalkana uu meel wanaagsan marayo

“Dowlada Federaaalka tan iyo intii Guddida Gurmadka Qaran ee Fataahada la abuuray waxay baaq u dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka ee Saaxiibka aan nahay iyo Hay’addaha inagala shaqeeya Gargaarka, waxaan wali ku jirnaa aruurinta wixii ay ku deeqaan Buslahada Soomaaliyeed Ganacsato ha noqono Qurba joog ha noqoto ama Hay’addaha na taageera wixii tabarteena ah waan gaasriinay shalay Baardheere iyo Luuq, waana ku dadaaleynaa inaan halkaas kasii wadno “.

Previous Post

Sawirro+Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

Next Post

Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Next Post
Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta Dowladda UK oo kala...

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022
0

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

May 25, 2022
0

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheeysan...

Arday lagu laayay Mareykanka

Arday lagu laayay Mareykanka

May 25, 2022
0

Ugu yaraan 18 qof oo Arday u badan ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In