Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare kuxigeenka dalka oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaraddaha Aminga iyo Maaliyadda iyo Bangiga dhexe

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare kuxigeenka dalka oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaraddaha Aminga iyo Maaliyadda iyo Bangiga dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisalwasaare xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna ku-simaha Ra’iisalwasaaraha Md. Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) oo ka duulaya barnaamijka isla xisaabtanka ee Xukuumadda ayaa saaka kormeer shaqo ku tegey qaar kamid ah Xafiisyada hay’adaha laamaha dawladda, waxaana uu booqday Wasaaraddaha Aminga, Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ku Simaha Ra’iisalwasaaraha ahna Ra’iisalwasaare xigeenka Qaranku waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Wasaaradda Aminga. Wasiirudawlaha Wasaaradaasi Md. Xasan Macalin Xuseen ayaana halkaasi kusoo dhoweeyay isagoo uga xog-waramay shaqada ka Wasaarad ahaan ay qaranka u hayaan iyo hanaanka maalin-laha ah ee ay ku waajahaan hawlaha amniga iyo isku xidhkooda doorka kaga aadan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

Sidoo kale Ra’iisalwasaare xigeenka ayaa kormeerkiisa ku soo maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyada Md. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaana Ra’iisalwasaare Xigeenka warbixin ka siiyay shaqadda Wasaaradda, Dakhli ururinta iyo fulinta Barnaamijka dib-uhabaynta Maaliyadda ee Dawlada.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare xigeenka uga waramay sida ay shaqadu ugu socoto, waxana uu kormeer kusoo mariyay Qaybaha kala duwan ee Bangigu ka kooban yahay.

Ra’iisalwasaare xigeenka ahna ku simaha Ra’iisalwasaaraha Md. Mahdi Mohamed Guuleid oo Warfidiyeenada la hadlay ayaa usheegay inay kormeerkan shaqo sii wadayaan si loo joogteeyo buu yidhi dardargelinta shaqada Qaranka.

Previous Post

QM oo bogaadisay sida laamaha ammaanka Soomaaliya ay ula tacaaleen weerarradii ka dhacay Muqdisho

Next Post

Mareynkanka oo duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab mid kalena dhaawacay

Next Post
Mareynkanka oo duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab mid kalena dhaawacay

Mareynkanka oo duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab mid kalena dhaawacay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In