Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare kuxigeenka dalka oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaraddaha Aminga iyo Maaliyadda iyo Bangiga dhexe

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare kuxigeenka dalka oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaraddaha Aminga iyo Maaliyadda iyo Bangiga dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisalwasaare xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna ku-simaha Ra’iisalwasaaraha Md. Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) oo ka duulaya barnaamijka isla xisaabtanka ee Xukuumadda ayaa saaka kormeer shaqo ku tegey qaar kamid ah Xafiisyada hay’adaha laamaha dawladda, waxaana uu booqday Wasaaraddaha Aminga, Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ku Simaha Ra’iisalwasaaraha ahna Ra’iisalwasaare xigeenka Qaranku waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Wasaaradda Aminga. Wasiirudawlaha Wasaaradaasi Md. Xasan Macalin Xuseen ayaana halkaasi kusoo dhoweeyay isagoo uga xog-waramay shaqada ka Wasaarad ahaan ay qaranka u hayaan iyo hanaanka maalin-laha ah ee ay ku waajahaan hawlaha amniga iyo isku xidhkooda doorka kaga aadan.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Sidoo kale Ra’iisalwasaare xigeenka ayaa kormeerkiisa ku soo maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka Maaliyada Md. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaana Ra’iisalwasaare Xigeenka warbixin ka siiyay shaqadda Wasaaradda, Dakhli ururinta iyo fulinta Barnaamijka dib-uhabaynta Maaliyadda ee Dawlada.

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare xigeenka uga waramay sida ay shaqadu ugu socoto, waxana uu kormeer kusoo mariyay Qaybaha kala duwan ee Bangigu ka kooban yahay.

Ra’iisalwasaare xigeenka ahna ku simaha Ra’iisalwasaaraha Md. Mahdi Mohamed Guuleid oo Warfidiyeenada la hadlay ayaa usheegay inay kormeerkan shaqo sii wadayaan si loo joogteeyo buu yidhi dardargelinta shaqada Qaranka.

Previous Post

QM oo bogaadisay sida laamaha ammaanka Soomaaliya ay ula tacaaleen weerarradii ka dhacay Muqdisho

Next Post

Mareynkanka oo duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab mid kalena dhaawacay

Next Post
Mareynkanka oo duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab mid kalena dhaawacay

Mareynkanka oo duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab mid kalena dhaawacay

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In