Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Sharma’arke oo booqday mowlaca Sheekh Muxudiin Celi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Sharma’arke oo booqday mowlaca Sheekh Muxudiin Celi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

R/wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta booqday Masjidka iyo mowlaca Sheekh Muxiyadiin Celi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

R/wasaaraha waxaa booqashidiisa ku wehliyay Taliyaha hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneral  C/raxmaan Maxamed Tuuryare,  Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”  R/wasaarihi hore ee dalka,  mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobalkaBanaadir.

Culumaa’udiin uu horkacayay Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celi ayaa R/wasaaraha iyo mas’uuliyiinta la socotay halkaasi ugu soo dhaweeyay si diirran oo hab maamuus leh.

R/wasaaraha dalka ayaa salaan la dhax maray culumadii iyo shacabka halkaasi ka ag dhawaa,  isagoo kormeer ku sameeyay qeybaha  Mowlaca iyo Masjidka Sheekh Muxidiin Celi degmada Kaaran ee gobalka Banaadir.

Malaaqa  beelaha Xamar iyo Xamardaye, Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye ayaa ugu mahad celiyay Ra’isul wasaaraha booqashada uu ku tagay mowlaca Sheekh Muxudiin iyo kulanka uu bulshadiisa la qaatay.

“Waan ku faraxsanahay soo booqashada qiimaha badan ee aad maanta nagu soo boqatay runti waqtigii hore masah laneen in mas’uuliyinta dalka ay shacabkooda dhaxgalaan laakin maanta nasiib wanag waad nasoo booqatay waana ku taagersan nahay mudane” ayuu yiri Malaaq Cali

Ra’isul wasaarihi hore ee Soomaliya mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” oo hadlay ayaa kula dar daarmay Madaxda Qaranka in nidaam wanaagsan ay ku hogaamiyaan shacabka Soomaliyed si loo sii xoojiya horumarka maanta Jira.

“Maanta  Dalka iyo dadka Soomaliyed waxa ay ka soo kabsanayan  colaadihi dhowr iyo labaatan sano kabadan dalka ka dhacay, balse Mas’uuliyinta dalka waxaa looga baahan yahay in dadka ay ku hogaamioyan waddo wanaagsan sidaasi ayaa dhibaatada looga gudbi karaa” ayuu yiri Nuur Cadde.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Mudisho Mudane Muungaab ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in la xoojiyo xiriirka Culumaa’ udiinka Soomaliyed iyo Madaxda dalka.

“Waan soo dhaweyneynaa in ra’isul wasaaraha uu kulan la qaato culumada  mowlaca iyo Masjidka Sheekh Muxiyadiin Celi,  waxaa wanaagsan in la xoojiyo xirirka culumada iyo madaxda Qaranka maaddaama dadkeynu iyo dalkena uu yahay muslim”. Sidaasi waxaa yiri gudoomiye Muungaab.

Booqashada R/wasaaraha ee Mowlaca Sheekh Muxudiin iyo kulankii uu la qaatay culumaa’udiinka ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo leh is afgarad.

IMG_9505 IMG_9517 IMG_9526 IMG_9578 IMG_9587 IMG_9597 IMG_9637 IMG_9647 IMG_9648 IMG_9662 IMG_9669 IMG_9684 IMG_9686 IMG_9690 IMG_9696 IMG_9698 IMG_9701 IMG_9708 IMG_9709 IMG_9722 IMG_9724 IMG_9732 IMG_9733

Previous Post

Taliyaha Ciidanka booliska oo kormeeray xarumaha booliska ee Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

Next Post
Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In