Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay daahfurka hanaanka dhisidda Barlamaan gobolleedka Jubba

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 21, 2015
in Wararka
0
Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay daahfurka hanaanka dhisidda Barlamaan gobolleedka  Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Safiirrada QM, IGAD, Midowga Yurub, AMISOM, iyo Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho, 20 Janaayo 2015 – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay daahfuridda hanaanka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba (IJA), iyagoo ugu baaqay madaxda maamulka inay xaqiijiyaan in dhammaan beeluhu ay golaha ka helaan wakiillo metela.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Waxaan soo dhoweynaynaa daahfuridda geeddi-socodka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Jubba. Tani waa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka nabadda iyo dowlad-dhisidda ee dadka gobollada Jubba, iyo weliba Soomaalida dhammaantooda. Waxaan madaxda Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba ku boorinaynaa inay haween, dhallinyaro iyo kooxaha laga tira badanyahay ku soo daraan hanaanka go’aan-qaadashada gobolka, iyagoo xaqiijinaya inay qayb ka noqdaan Golaha cusub. In la xaqiijiyo hanaan cadaalad ah oo loo wada dhanyahay wuxuu gacan ka geysan doonaa dhismaha bulsho ay cadaalad ka jirto oo nabad ah, tusaale fiicana u noqon kara dalka intiisa kale.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerno madaxda maamulka, waxaana dhammaan dhinacyada ugu baaqaynaa inay wadatashi wax ku ool leh iyo dibuheshiisiin la yeeshaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso, iyagoo xaqiijinaya in la ilaaliyo danaha beelaha dhammaantooda. Saaxiibada ay Soomaaliya ku leedahay caalamka waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi-socodka uu dalku ugu jiro nabadda iyo dowlad-dhisidda.”

Dhamaad.

Previous Post

Islaamka iyo Dustuurka Dhageyso

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Raio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka habeennimo ee Raio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In