Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda in arrimaha Jira lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Saaxiibada Caalamku waxay ku dhiirri-gelinayaan Maamulka KMG ah ee Jubba iyo Dowladda in arrimaha Jira lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho – 09 June 2015 – Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhaweynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka maamul sameynta ee Jubba.

“Waxaan soo dhaweynaynaa dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa Maamulka KMG ee Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) in ay si waxtar leh uga shaqeeyaan sidii lagu xallin lahaa wax kasta oo ka dhasha geedi-socodka baarlamaan goboleedka KMG ah ee Jubba , laguna xalliyo wadahadal iyo wadatashi. Caqabadaha hadda taagan ee la xiriira dhismaha golaha baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubba waa in lagu wajaho qaab dib-u-heshiisiin iyo isu-tanaasul ku dheehanyihiin”

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Guddiga Wasiirada ee uu Ra’iisal Wasaaruhu sameeyay ,isagoo ka wakiil ah dowladda Federaalka si uu uga tala bixiyo xalka waa tallaabo wax ku ool ah,waxaan soo dhaweynaynaa tallaabadan muhiimka ah ee horey loo qaaday.waxaan dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso ku dhiirrigelinaynaa inay waqti siiyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha guddiga si ay howshooda u gutaan iyo in guddiga lala yeesho wadashaqaynta loo baahanyahay.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay ka joogsadaan tallaabooyinka waxyeello u geysan doona geeddi socodka sameynya dowlad-goboleedyada guud ahaan ama dib u dhac ku keeni kara guulihii geeddi socodka laga gaaray.iyadoo hadda la sameeyay golaha baarlamaan goboleedka Jubba, waxaa socda geeddi socodyo dowlad dhisid oo muhim ah oo la xiriira dastuurka Jubba, arrimahaas dhammaantoodna waxay u baahanyihiin in dhinacyada arrintu khuseyso iyo beesha caalamkuba ay aad u taageeraan waqtigan hadda la joogo.

Waxaan rajeynaynaa in aan aragno xal wax ku ool ah oo lagu gaaro hanaan nidaamsan, loo wada dhanyahay oo ay Soomaalidu horseedo.

Saaxiibada ay Soomaaliya caalamka ku leedahay waxaa ka go’an inay taageeraan geeddi socodka dalku ee nabadda iyo dowlad-dhisidda.

—Dhammaad—

Previous Post

Kulan lagu taageerayay maamulka cusub oo Baydhabo lagu qabtay

Next Post

Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”

Next Post
Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”

Janaraal Gaafow: “nin Soomaali ah uu qof kale oo Soomaali ah uu tarxiilo ma loo dulqaadan karo”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In