Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga iyo Suuriya oo ku heshiiyay inan dib usoo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Sacuudiga iyo Suuriya oo ku heshiiyay inan dib usoo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Suuriya ayaa go’aansaday inay dib u bilaabaan howlahoodii diblomaasiyadeed, ka dib in ka badan 10 sano oo ay albaabada u laabeen safaaradaha labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa bayaan ay daabacday wakaaladda wararka ee SPA ku sheegtay in tallaabadani ay dhiira galineyso go’aankii golaha wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Carabta ay gareen todobaadkii hore, kaasoo looga ballamay in wufuudda Suuriya loo ogolaado ka qeyb galka shirarka Golaha Jaamacadda Carabta.

Related posts

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026

Shirkii Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axaddii la soo dhaafay lagu go’aamiyay in dib loo bilaabo ka qaybgalka ergada dawladda Suuriya shirarka Ururka, kuwaasi oo aanan soo xaadirin shirarka Jaamacadda Carabta tan iyo markii la hakiyay dhaqdhaqaaqii Dimishiq ee dalalka Carabta.

18-kii Abriil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, ayaa la kulmay Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad, intii lagu guda jiray booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo mas’uul Sucuudiga ka socda ku tago Dimishiq tan iyo markii dalkaasi ay colaadda ka bilaabatay.

Sidokale, wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, ayaa dhawaan socdaal ku maray waddamo Carbeed oo ay ka mid yihiin Masar, Tunisia, Urdun, Aljeeriya iyo Sucuudiga.

Previous Post

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka oo digniin ka soo saartay khataraha fatahaadda

Next Post

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay eedeesane fakad ahaa

Next Post
Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay eedeesane fakad ahaa

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku soo dhigay eedeesane fakad ahaa

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

July 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kormeer ku tegay goobaha ay ka socotay codbixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka...

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In