Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga oo doonaya in uu iibsado Drones Turkiga

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Sacuudiga oo doonaya in uu iibsado Drones Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sacuudi Carabiya ayaa doonaysay in ay iibsato diyaaradaha aan duuliyaha laheyn  ee Turkigu soo saaro, sidaas waxaa sheegaya madaxweyne Erdogan, talaabadan ayaa loo arkaa isu soo dhawaansho labadan quwadood ee xafiiltanka ka dhexeeyo.

Xiriirka Ankaran iyo Riyadh ayaa ahaa mid cakiran tan iyo dilkii wariye Jamaal Khaashugji oo ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul sanadkii 2018, waxaa burburey heshiisyadii ganacsi ee ka dhexeeyay, laakiin hadda labada dal waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay wanaajiyaan xiriirkooda.

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay shir saxaafadeed, isagoo si adag u muujiyay sida uu uga xun yahay in Sacuudiga dhuulatus ciidan la sameyso dalka ay colaadda soo jiraanka ah kala dhexeyso ee Giriiga.

“Sacuudi Carabiya waxay dhuulatus ciidanka cirka la sameysay Giriiga, hadana waxay na waydiisatay in aan ka iibino hubka drones, rajadeenu waa in arrinta si degan loo xaliyo,” ayuu yiri Erdogan.

Drones Turkiga ayaa noqday kuwa ugu casrisan dunida, isagoo caalamka kaga yaabiyay dagaalkii lixda todobaad socday ee u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ee gobolka Nagorno-Karabkh.

Sidoo kale, drones Turkiga waxay ka dagaal galeen dalalka Suuriya iyo Libya.

Turkiga waxaa doonayaa in uu soo celiyo xiriirka uu la lahaa dalalka; Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Madaxweyne Erdogan iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa todobaadkii hore sheegay in ay Ankara bilowday xiriir ay la sameyso Masar, balse Qaahira ayaa sheegtay in marka hore Turkiga laga doonayo in uu ilaaliyo mabaadi’da Masar si xiriirka loo caadiyeeyo.

 

Previous Post

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay buuraha Golis

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shure

Next Post
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shure

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shure

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In