Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga oo doonaya in uu iibsado Drones Turkiga

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Sacuudiga oo doonaya in uu iibsado Drones Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sacuudi Carabiya ayaa doonaysay in ay iibsato diyaaradaha aan duuliyaha laheyn  ee Turkigu soo saaro, sidaas waxaa sheegaya madaxweyne Erdogan, talaabadan ayaa loo arkaa isu soo dhawaansho labadan quwadood ee xafiiltanka ka dhexeeyo.

Xiriirka Ankaran iyo Riyadh ayaa ahaa mid cakiran tan iyo dilkii wariye Jamaal Khaashugji oo ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul sanadkii 2018, waxaa burburey heshiisyadii ganacsi ee ka dhexeeyay, laakiin hadda labada dal waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay wanaajiyaan xiriirkooda.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026

Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay shir saxaafadeed, isagoo si adag u muujiyay sida uu uga xun yahay in Sacuudiga dhuulatus ciidan la sameyso dalka ay colaadda soo jiraanka ah kala dhexeyso ee Giriiga.

“Sacuudi Carabiya waxay dhuulatus ciidanka cirka la sameysay Giriiga, hadana waxay na waydiisatay in aan ka iibino hubka drones, rajadeenu waa in arrinta si degan loo xaliyo,” ayuu yiri Erdogan.

Drones Turkiga ayaa noqday kuwa ugu casrisan dunida, isagoo caalamka kaga yaabiyay dagaalkii lixda todobaad socday ee u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ee gobolka Nagorno-Karabkh.

Sidoo kale, drones Turkiga waxay ka dagaal galeen dalalka Suuriya iyo Libya.

Turkiga waxaa doonayaa in uu soo celiyo xiriirka uu la lahaa dalalka; Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Madaxweyne Erdogan iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa todobaadkii hore sheegay in ay Ankara bilowday xiriir ay la sameyso Masar, balse Qaahira ayaa sheegtay in marka hore Turkiga laga doonayo in uu ilaaliyo mabaadi’da Masar si xiriirka loo caadiyeeyo.

Previous Post

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay buuraha Golis

Next Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shure

Next Post
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shure

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shure

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir-Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador, ee dalka Brazil uga qaybgalay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In