Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sacuudiga oo isbedel ku sameeyay nidaamka Kafaala

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Sacuudiga oo isbedel ku sameeyay nidaamka Kafaala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shaqaalaha ajnabiga ah ee ka howlgalaya Sacuudi Carabiya ayaa wixii hadda ka dambeeya waxay ka maarmi doonaan ogolaanshaha loo shaqeeyaha oo loo yaqaano Kafaala ka dib markii sharci muddo dheer la sugayay uu dhaqan galay.

Bishii November, ee sanadkii hore ayaa wasaaradda adeega aadamiga iyo horumarinta bulshada ku dhawaaqday qorshe wax looga bedelayo nidaamka Kafaala.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in hanaankan uu ka dhigay shaqaalaha ka shaqeeya dhismaha Sacuudiga kuwa u nugul in xuquuqdooda lagu tunto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in loo shaqeeyiyaasha Sacuudiga ay shaqaalaha ka qaadan jireen baasaboorada kuna qasbi jireen in shaqeeyaan saacado ka dheeraad ah wixii lagu balamay sidoo kale waxay u diidi jireen xuquuqdooda arrintaas oo caadi ka aheyd boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sharciga dib u eegista lagu sameeyay ayaa dhigaya in shaqaalaha ajnabiga ah shaqadooda joogsanayso markii ka dhaco qandaraaska shaqada.

Shaqaalaha ajnabiga ah ayaa hadda xaq u yeelan doonaan in ay shaqadooda bedeshtaan ayagoo war gelin siinaya loo shaqeeyiyaasha.

Sidoo kale, shaqaalaha ayaa dalka ka dhoofi kara ayagoo aan wax ogolaansho ah uga baahneyn loo shaqeeyiyaasha, sida uu u qabo sharciga cusub.

Dhowr waddan oo ka tirsan Khaliijka, ayaa sannadihii la soo dhaafay, waxay dejiyeen dib-u-habeyn lagu sameynayo nidaamkooda Kafaala, ka dib markii ay ku baahday lixda xubnood ee Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Dadka qaar ayaa qaba in dhibaatada wali ay sii jiri doonto mar haddii in dal ku gal aan heshaa ku xiran tahay ogolaanshaha wakiilkaaga ama kafiilka.

Previous Post

Shirka guddiga fulinta  Olombikada qaranka Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliy

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliy

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliy

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In