Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya Feysal Bin Farxaan Al Sacuud ayaa sheegay in xiriir diblomaasiyadeed oo Israel la yeeshaan uu faa’ido weyn u yeelan doono Bariga Dhexe, balse waxa uu xusay in heshiis ay la galaan Israel uu ku xiran yahay horumar badan oo laga sameeyo arrimaha nabadda gobolka.
Hadalkan ayuu sheegay xilli uu wareysi siiyay Telefishinka CNN “In la caadiyeeyo xiriirka Israel waxaa uu gobolka u keeno doonaa faa’ido weyn oo gobolka dhan uu heli doono” ayuu yiri wasiirka.
Riyadh ayaa horey u sheegtay in xiriir diblomaasiyadeed oo Israel la yeeshaan ay ku xiran tahay marka la dhiso dowlad Falastiin leedahay oo ku fadhisa xuduuda ka hor sanadkii 1967.
Tan iyo bishii September sanadkii hore, affar dal oo Carbeed ayaa Israel la yeeshay xiriir diblomaasiyadeed dalalkaas oo kala ah; Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Suudaan iyo Morocco.