Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Ciraaq

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay digniin ugu dirtay Muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq iyo kuwa doonaya inay yimaadaan dalkaasi iyadoo ku wargelisay in aysan
usoo safri karin magaalooyinka kala duwan ee dalka Ciraaq.

Muwaadiniinteeda degan caasimadda Baqdaad iyo deegaanada kale ee Ciraaq ayaa lagu adkeeyey inaysan usoo dhowaan dhismaha iyo xarunta safaaradda Maraykanka oo ku taalla aagga cagaaran ee bartamaha caasimada dalkaasi Ciraaq ee Baqdaad.

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Safaaradda ayaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka u sheegtay inay ka fogaadaan meelaha ay ka socdaan banaan-baxyada kala duwan isla markaana ay la socdaan warbaahinta gudaha si ay u helaan wararka cusub ee kusoo kordha gudaha dalka Ciraaq ayna muhiim tahay inay feejignaan muujiyaan haddii ay xaaladdu sii xumaato.

Dawladda maraykanka ayaa heegan dheeraad ah gelisay safaaradda ay ku leedahay dalka Ciraaq iyo dhamaan safaaradaha kale ee caalamka ugu yaalla kadib markii ciidankeedu ay duqayn ku dileen talihii ciidanka kacaanka Iiraan ee Qudus Qaasim Suleymaani.

Sidoo kale go’aankii ay Barlamaanka Ciraaq gaareen ee ahaa in ay dalka Ciraaq ka baxaan ciidamada Maraykanka ee jooga gudaha dalkaasi ayaa noqday go’aan welwel xoog leh ku reebay Maraykanka oo ilaa hada ka cabsi qaba in weeraro kale loo gaysto safaaradiisa Baqdaad iyo ciidamada ka jooga gobolada dalka Ciraaq ama ay waxyeelo gaarto muwaadiniinta maraykanka ah ee jooga dalkaasi.

Previous Post

DHAGEYSO: taariikh nololeedka alfannaan Daa’uud Cali Masxaf oo kooban

Next Post

Golaha Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Next Post
Golaha Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Golaha Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In