Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya Ee Qadar Oo Kulan Dhiira Galin Ah U Sameysay Muwaadin U Dhaq dhaqaaqa Bulshada Dhibaateysan “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya Ee Qadar Oo Kulan Dhiira Galin Ah U Sameysay Muwaadin U Dhaq dhaqaaqa Bulshada Dhibaateysan “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar ayaa kulan Balaaran oo dhiiri gelin ah u samaysay Cabdi Casiis Maaxi oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ku caanbaxay inuu garab istaago dadka Soomaaliyeed ee Dhibaataysan iyo Dr: Cabdullah Zarouq oo kamida Dhakhaatiirta ka howl-gala isbitaalka weyn ee SIDRA, waxaana kulanka kasoo qayb galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar, Masuuliyiin Xilal hore uga soo qabtay Dawlada soomaaliya, Abwaano iyo Waxgarad kale.

Mukhtaar Cali Yuusuf Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qatar ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan Cabdicasiis Maaxi oo sheegay inuu ka mid yahay dadka sida gaarka ah uga dhex Muuqda bulshada, Wuxuuna alle uga baryey dadaalka uu wado, inuu ugu badalo wax wanaagsan, isagoo  sheegay in kulanka ay u qabteen in bulshadu ay wax ka ogaato, waxyaabaha ay horey ugu qabteen dadka Soomaaliyeed iyo waxa hada u qorshaysan.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Cabdicasiis Maaxi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey waxyaabaha uu Bulshada soomaaliyeed u qabtay, Isagoona sheegay inuu ku bilaabay Sanadii 2006-dii Gabadh Soomaaliyeed oo dhibaataysan, Wuxuu Bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyey inay is garabsadaan, wax kastana ay ku qabsan karaan Isku-duubni.

Dr: Cabdullah Zarouq oo ah dhakhtar u dhashay dalka Suudaan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad isku xidhan oo Jecel Diintooda, sidoo kale wuxuu hadlay caruur Soomaaliyeed Isku dhegan, kuwaasi oo la qorshaynayo in dhowaan loo qaado Mareykanka, wuxuuna  sheegay intuu awoodo inuu ka qayb qaadan doono.

Ciid badal oo horey Soomaaliya ugu Fadhiyey QM ayaa siwayn ugu mahad celiyey Masuuliyiinta soo qaban qaabiyey Kulanka, isagoo ka hadlayey baahiyaha kala duwan ee ka jira Soomaaliya ayuu xusay inay tahay wax Lagu Faano inaad Bad-baadiso qof walaalkaa ah oo dhibaataysan.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar Cali Askar ayaa  sheegay in Jaaliyaddu ay tahay mida keliya ee ka badbaaday kala qaybsanaan, Wuxuuna soo Jeediyey inay Bulshada Soomaaliyeed Gacmaha Is qabsadaan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya”Sawirro”

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Thailand iyo Findland, kalana hadley xoojinta xiriirka dalalkooda iyo Soomaaliya"Sawirro"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In