Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 weeks ago
in Wararka
0
Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda.

Mr. Sophianos waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UN-Habitat, Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Danjire Jabril ayaa uga mahadceliyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Somalia, booqashada uu ku yimid Safaaradda, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta guryaha la awoodi karo., dhismaha magaalooyinka iyo kobcinta aqoonta howl-wadeenadda ka howlgala dowladaha Hoose ee ka jira guud ahaan dalka oo dhan.

Danjiruhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay xoogga saarayso sidii loo horumarin lahaa guryaha la awoodi karo, isla markaana loo xoojin lahaa iskaashiga UN-Habitat iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso, si loo taageero qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar-garowga Shirka Guryaha La Awoodi Karo, kaas oo Soomaaliya iyo UN-Habitat ay si wadajir ah u martigelin doonaan bisha November, shirkaas ayaa waxaa ka soo qaybgali doona bangiyada horumarinta, iyo dowladaha saaxiibka la ah dalka Soomaaliya.

Shirka Bisha November ee sanadkan ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan dhinacyada kala duwan ee ay khusayso arrinta guryeynta, gaar ahaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo dardargeliyo ajendaha guryaha la awoodi karo ee Soomaaliya iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan).

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Next Post

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Next Post
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In