Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda.
Mr. Sophianos waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UN-Habitat, Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle.
Danjire Jabril ayaa uga mahadceliyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Somalia, booqashada uu ku yimid Safaaradda, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso horumarinta guryaha la awoodi karo., dhismaha magaalooyinka iyo kobcinta aqoonta howl-wadeenadda ka howlgala dowladaha Hoose ee ka jira guud ahaan dalka oo dhan.
Danjiruhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay xoogga saarayso sidii loo horumarin lahaa guryaha la awoodi karo, isla markaana loo xoojin lahaa iskaashiga UN-Habitat iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso, si loo taageero qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar-garowga Shirka Guryaha La Awoodi Karo, kaas oo Soomaaliya iyo UN-Habitat ay si wadajir ah u martigelin doonaan bisha November, shirkaas ayaa waxaa ka soo qaybgali doona bangiyada horumarinta, iyo dowladaha saaxiibka la ah dalka Soomaaliya.
Shirka Bisha November ee sanadkan ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan dhinacyada kala duwan ee ay khusayso arrinta guryeynta, gaar ahaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo dardargeliyo ajendaha guryaha la awoodi karo ee Soomaaliya iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan).











