Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho ka sameeyay deegaanka Xaarxaar oo hoostaga degmada Gaalkacyo, kaas oo qeyb ka ah dadaallada ururku ugu jiro kasbashada codadka bulshada ee doorashada ku celiska ah ee Galmudug.
Xubnaha JSP ayaa bulshada deegaanka kala hadlay qorshayaasha iyo barnaamijka ururka, iyagoo ka dalbaday taageerada codkooda marka ay dhacdo doorashada.
Ololahan waxaa hoggaaminayay Senator Duniya Maxamed Cali, waxaana ka qeyb galay xubno iyo taageerayaal ka tirsan ururka.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa qeyb ka ah ololaha doorasho ee ururrada siyaasadeed ay ka wadaan deegaannada Galmudug, xilli la isu diyaarinayo doorashada ku celiska ah.











