Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland soo gaaray wefti balaaran oo uu hogaaminayo Safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Dalka Soomaaliya mudane. Mohamed Al-Cutmani, weftigaas oo markii ay soo gaareen magaalada Garoowe loo gelbiyey qasriga madaxtooyada ee Puntland ayadoo gegida diyaarahada ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland , saraakil katirsan madaxtooyada Puntland iyo sidookale masuuliyiin kale.
Kadib markii ay soo gaareen qasriga madaxtooyada ayaa safiirka iyo wafdiga la socday waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, halkaasi oo kullan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland safiirka dawlada Emaardka carabta ee Soomaaliya.
Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka dawlada Emaaraadka ayaa kulankoodii kadib waxaa ay si wada jir ah uqabteen war murtiyeed ay kaga waramayaan waxyaabihii ay kawada hadleen.
” Waxaa farxad weyn noo ah in maanta uu noo yimaado safiirka dawladda imaaraadka u fadhiya soomaaliya Ambassador Mohamed Al-Cutmani iyo saaxibadiis oo noogu yimi in aanu ka wada hadalno mashaariicda hor marineed ee ay Imaaraadku ka fulinayaan Soomaaliya taasi oo Puntlandna qeyb ka tahay”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Ambassador Mohamed Al-Cutmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loogu sameeyay Puntland, isagoona sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay imaaraadka carabtu ka fulinayaan mashaariic hormarineed guud ahaanba Soomaaliya oo ay sanadkan cusub ee 2015 ugu talagaleen.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .