Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Safiirka J F S ee dalka Uganda oo booqday xafiiska midowga ardayda Soomaaliyeed ee Uganda kana dhagaystay caqabada soo waajaha “SAWIRRO

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Afrika, Wararka
0
Safiirka J F S ee dalka Uganda oo booqday xafiiska midowga ardayda Soomaaliyeed ee Uganda kana dhagaystay caqabada soo waajaha “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa booqasho ku tagay xafiiska midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda, isagoo halkaas kula kulmay madaxda ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda.

Danjire Cali Cagabaruur ayaa halkaas kusoo indha indheeyay baahiyaha ay ardayda qabaan haddii ay ahaan lahayd dhanka qalabeenta xafiiska iyo caqabadaha haysta si guud ardayda Jaamacadaha ka barata Uganda.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026

Safiirka ayaa halkaas kula kulmay guddoomiyaha midowga Ardayda Soomaaliyeed Cabdimaajid Jaabir Salaad, guddoomiye ku-xigeenka midowga iyo Guddoomiyaasha ardayda jaamacadaha dalka Uganda, waxkabarata iyagoo safiirka usoo bandhigay caqabadaha dhanka waxbarashada ka haysto, sida shahaadooyinka iyo waxii la mid ah.

Safiir Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa kulankaas inta uu socday ardayda u balan qaaday in dhammaan caqabada jira wax lagala qaban doono, isagoo sheegay in qalabeynta xafiiska waxa ka dhiman safaaradda ka qayb qaadan doonto.

Safiir Cali Cagabaruur oo ardayda la hadlayay ayaa ku booriyay ardayda sida isxilqaanka ah ee ugu adeegaan ardayda Soomaaliyeed ee Uganda waxkabarata iyagoo wax lagu siinin.

Uganda ayaa waxaa wax ka barta arday lagu qiyaasay ilaa 3 kun oo arday kuwaas oo heerarka kala duwan ee jaamacadaha wax ka diyaariya. Waxaana jira wadashaqeyn ballaaran oo ka dhaxaysa ardayda iyo  safaaradda oo in mudda ah soo socotay.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay qaar ka mid ah ururada haweenka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post

Magaalooyinka Gobolka Bakool oo Maanta looga fariistay imtixaanka fasalka 8 aad ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya

Next Post
Magaalooyinka Gobolka Bakool oo Maanta looga fariistay imtixaanka fasalka 8 aad ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya

Magaalooyinka Gobolka Bakool oo Maanta looga fariistay imtixaanka fasalka 8 aad ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In