Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Shiinaha: Waxaan kordhinaynaa taageerada aan siinno Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Safiirka Shiinaha: Waxaan kordhinaynaa taageerada aan siinno Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya, Amb. Qin Jian ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta Dawladda kaga warbixiyey taageerada ay Dawladdiisa siiso Soomaaliya, si gaar ah mashaariicda horumarineed, deeqaha waxbarashada, maal-gashiga iyo shir madaxeedka Shiinaha iyo Africa oo horaanta Bisha September ka dhacaya Beijing.

Xiriirka Diplomaasi ee Soomaaliya iyo Shiinaha

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

Xiriirka Diplomacy ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa soo billawday 14-kii Bishii December 1960, waxaa labada Dawladood ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo dheer oo taariikhi ah, wuxuuna ku saleysan yahay iskaashi siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, waxbarasho iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah iskaashiga labada Dawladood.

โ€ Shiinaha iyo Soomaaliya waxa ay leeyihiin saxiibtinimo soo billaabatay 600 Sano ka hor, balse midka diplomacy waxa uu billawday 1960, wuxuuna ahaa mid miro dhal ah oo labada dhinacba kawada faaโ€™idaysteen,waana xoojineynaa taageerada, saaxiibtinimada, iskaashiga wax wada qabsi ee Soomaaliya iyo Shiinahaโ€, sidaa waxaa yiri Safiirka.

Mashaariicda Shiinaha uu ka fuliyey Soomaaliya

Safiirka waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka fuliyeen 89 mashruuc intii u dhaxeysay 1960 ilaa 1991-dii, waxaana uu ka xusay dhismaha jidad, Garoonka kubbadda Cagta Muqdisho (Stadium Mogadishu) , Cusbitaalka Benaadir, golaha murtida iyo madadaalada (National Theater) iyo kuwa kale oo badan.

Shiinaha ayaa Soomaaliya u soo diray 13 koox oo ay ku jiraan 393 Dhaqaatiir ah, kuwaas oo daaweeyay kumanaan Soomaali ah, iyadoo tababarro siinayey Soomaalida, waxaana dheeraa deeqaha waxbarasho ee ay Ardayda Soomaaliyeed ka faaโ€™idaysan jirtay waqtigaas.

Deeqaha Waxbarasha hadda

Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya ayaa dib loo furay 2014-tii,ย  kadib bur-burkii Dawladeenii 1991, waxaana Dawlada Shiinaha bixineysaa deeqo waxbarasho sannadkii labaad, in ka badan 50 Arday oo Soomaali ah ayaa deeq waxbarasho ka helay Shiinaha Sannadkii hore, kuwaas oo Shiinaha waxbarasho uga maqan hadda, waxaana Sannadkan baxaya (September) Arday ka badan 40, waxaana uu safiirka sheegay in ay kordhinayaan deeqaha waxbarasho.

โ€ Waxaan Sannadkii labaad siinay Soomaaliya deeq waxbarasho, 50 iyo dhawr Arday oo ka faโ€™ideysatay sannadkii hore, sannadkan waxaa ka faaโ€™ideysanaya in ka badan 40, waxa ayna baxayaan Bisha na soo aaddan, waxa ayna baranayaan kulliyado muhiim ah sida caafimaadka, Computer-ka IWM, waxa aan filayaa in Ardayda door muhiim ah ka qaataan dib u dhiska Dalkooda, ayna buundo u noqdaan xiriirka saaxiibtinimo ee labada Dalโ€, ayuu yiri safiirka Qin Jian.

Waxa uu intaas ku daray in dhawaan la dhisay urur(China-Somali Association) oo hormuud ka ahaa Arday hore wax uga soo baratay Shiinaha.

Shir madaxeeda Shiinaha iyo Africa: Soomaaliya oo ka qayb galeysa ย 

Shir madaxeedka Africa iyo Shiinaha (Focac) ayna ka qayb galayaan in kabadan 53 hogaamiye African ah iyo wafuud ballaaran oo la socota ayaa ka dhacaya Magaalada Caasimada ah ee Beijing 3-4 Bisha September, 2018.

Safiirka Shiinaha Amb. Qin Jian ayaa wareysiga ku sheegay in wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka qayb geli doona shirka China African Summit.

Waa Madaxweynihii uga horeeyay ee Soomaaliya oo taga Shiinaha kadib bur-burkii Dalka, waxaana uu sheegay safiirka in Shirkan uu ย leeyahay fursado badan iyo iskaashi faaโ€™ido u wada leh Shiinaha iyo Africa.

Maal-gashiga:

Shirkadaha Shiinaha ayaa aad u daneynaya in ay maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya, waxa ayna qayb ka qaadanayaan hurumarinta nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Uga dambeyn safiirka Shiinaha ayaa sheegay in ay Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada Beniโ€™aadannimada oo uu tusaale u soo qaatay abaarihii iyo fatahaaddii dhawaan uu sameeyey Webiga Shabeelle, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay kordhinayaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan.

Maxamed Cismaan Cobra

Previous Post

Itoobiya oo xakamaysay rabshadihii Jinsi faquuqa ahaa ee ka dhexeeyay Soomaalida iyo Oromada

Next Post

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray Dekadda Muqdishoโ€Sawirroโ€

Next Post
Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray Dekadda Muqdishoโ€Sawirroโ€

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray Dekadda Muqdishoโ€Sawirroโ€

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

December 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In