Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo booqday suuqa weyn BBS Mall

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo booqday suuqa weyn BBS Mall
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Abdulle ayaa booqday suuqa weyn ee Business Bay Square Mall isaga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Danjire oo ka hadlay booqashadiisa ayaa yiri, “Waxaa sharaf ii ahayd inaan soo booqdo Suuqa weyn ee cusub ee Business Bay Square Mall (BBS Mall) ee dhawaan laga dhisay xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi.”

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Danjiraha waxa uu intaas ku daray, “Waxaa aad uga mahadcelinaynaa maamulka Business Bay Square Mall oo si hagar la’aan ah noogu soo dhaweeyay suuqa BBS Mall. Waxaa aad ula yaabnay quruxda iyo muqaalka Suuqaan oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo wadamada geeska iyo bartamaha Afrika”.

Safiirka waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray guudoomiyaha Business Bay Square Mall, Ganacsade Moalim Wali iyo guud ahaan maamulka Suuqa, oo uu hogaaminayo Mudane Muniir Axmad,

Macalin Wali ma aha oo kaliya inuu dhisay Mall-ka balse sidoo kale wuxuu uu ku soo kordhiyay dalka Kenya goobo ganacsi oo casir ah

Damjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa sidoo kale sheegay “Markaan dhex marayay Suuqa, waxa aan aad ula dhacay naqshadda casriga ah iyo jawiga sare, oo i xusuusinaya goobaha ganacsi ee ku yaal wadamada horumaray iyo kuwa Bariga Dhexe. Waxay ahayd wax aan ula dhacay in aan arko kumanaan macaamiil iyo ganacsato faraxsan oo ku dhex jiray ganacsigooda”

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu xiisaha badan waa Suuqa Dahabka ugu weyn ee Afrika ee Sub-Saharan, kaas oo la filayo inuu soo jiito ganacsiga iyo shacab ka kala yimaada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

 

 

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay Isbitaalada Demartino iyo Madiina “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed

Next Post
Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed

Hay’adda Duulista Rayidka oo digniin adag u dirtay maamulka Waqooyi Galbeed

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In