Safiirka Saafaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, Danjire Axmed Cali Daahir ayaa hambalyo iyo bogaadin u direy Ummadda Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (East African Community) oo ah dadaal mira dhalay oo muddo socday.
Sidoo kale Safiirka ayaa bogaadiyay guusha weyn ee laga gaaray qaadista cuno qabateynta hubka oo Soomaaliya saarnayd muddo ka badan 30-sano.
Safiirka ayaa guulahan is xig xiga ee Dowladdu ay gaartay uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo door weyn ka qaatay mira dhalka guushaan.