Wednesday, May 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sagootiyay Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka heshay Japan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo sagootiyay Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka heshay Japan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan sagootinta ah ee loo sameeyey arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeq Waxbarasho oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dowladda Japan ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, waxaana ardayda ay baran doonaan Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaha dalka, kuwasi marka ay Tacliinta Sare u soo idlaato ku soo laaban doona dalkooda Hooyo si ay kaalin mugleh uga geystaan horumarinta dadka iyo dalka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay Xafladda ayaa uga mahad celiyay dowladda Japan deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in Deeq-daan Waxbarasho ay ka turjumayso sida hagar la’aanta ah ee dowladda Japan uga go’an tahay taageeridda mashaariicda lagu hormarinayo dalkeenna Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026

Danjire Jabril, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ardayda wax ka baran doonta dalka Japan ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya ka socda marka ay ku soo laabtaan dalka hooyo

Danjiraha ayaa waxa uu ku dhiiri galiyay ardayda in ay ka faa’idaystaan fursadan si ay wax u bartaan, u koraan xaga aqoonta, kuna ku talagaan in aqoonta ay soo bartaan ay wax ka tari doonto mustaqbalka ifaya ee umadeena iyo dalkeen.

Danjiraha ayaa ugu danbeeyntii, waxa uu mahadcelin u diray dawladda iyo shacabka Japan, isaga oo uga mahadceliyey saaxiibtinimada iyo taageerada aan kala go’a lahayn ay la garab taagan tahay dalka iyo dadka Soomaliyeed. Barnaamijkan deeq-waxbarasho runtii waa mid albaabaada u furi doonto ardeydeena, isla markaana siin doonto laga galo fursadaha aan dhammaadka lahayn ee ardaydeenna.

Waxaa dib u bilaawday deeqihii waxbarasho ee dalka Soomaaliya horay loo siin jiray kuwaas oo hakad galay xiligii dagaalka sokeeye. Safaraadda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa dar-dar galisay in dib loo soo celiyo deeqahaaas muhin ah u horumarka dalka Soomaaliya.

Sanadihii lasoo dhaafay, dalka Japan waxa ay Soomaaliya u ahayd mid ka mida saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta. Iyadoo loo marayo wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (JICA), waxaa hadda ka socda dalka Soomaaliya mashaariic tiro badan oo wax weyn ka taraya horumarka dalka. Ballanqaadka dalka Japan ee horumarintayada maaha mid ka tarjumaysa oo kaliya xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal, balse sidoo kale waa xiriir adag ee taariikhiga ah ee isku xira labada dal.

Xiriirka labada dal waxa sii xoojiyay booqashooyinkii madaxdu ku tageen dalka Japan iyo mas’uuliyiin kale, waxa ay taasina muujinaysaa sida labada dal ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.



Previous Post

Dowladda Soomaaliya waxay ilaalinaysa Madaxabanaanida Dalkeeda (WARBIXIN)

Next Post

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo tababbar u furay Safiiro magacaaban

Next Post
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo tababbar u furay Safiiro magacaaban

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo tababbar u furay Safiiro magacaaban

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In