Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika oo sheegay in la hoos keenay Safaaradaha dhawr dal oo Afrikan ah

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika oo sheegay in la hoos keenay Safaaradaha dhawr dal oo Afrikan ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, ambassador Jamaal Maxamed Barow, oo shir saxaafadeed ku qabtay xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Pretoria ee dalkaasi ayaa ka hadlay arima dhowr ah oo ay ugu weyn tahay xil dhowaad dowladda Soomaaliya ay u magacowday safiirka.

Ambassador Jamaal Maxamed Barrow, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u soo magacowday dalalka Zimbabwe, Botswana, Namibia, Swaziland  iyo Angola oo la hoos keenay safaaradda Soomaaliya ee dalka koofur Afrika maadaama Soomaali badan ay ku dhaqan yihiin dalalkaasi.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Danjiraha ayaa sheegay in markii soo loo magacaabay safaaradda Soomaaliya ee dalka koofur Afrika oo xooga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo South Africa, isla markaana uu badan ka qabtay arintaasi.

“Waxaa hada aan safaarad deganeyn oo la ii magacaabay ayaa ah shan dal oo kala ah; Zimbabwe, Botswana, Namibia, Swaziland iyo Angola, waxaa ay hoos imaanayaan safaarada,” ayuu sheegay danjire Barrow.

Safiirka Soomaaliya dalka Koofir Afrika, ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay diyaarisay safaaradda qorshe howleed kaas oo ah in ay dowladda koofur Afrika ay kala hadleen sidoo deeq waxbarasho u siin lahaayeen Soomaaliya iyo in tababaro xirfadeed u fidiyaan dadka Soomaaliyeed.

Danjire, Jamaal Barrow, ayaa sidoo kale xusay in safaaradda ay ku guuleysatay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan ay maalin kasta ay heli karaan waraaqaha ‘GO HOME”  loo yaqaano oo Soomaaliya ay ku soo aadaan, halkii waagii hore todobaadkii hal mar heli jireen.

“Sidoo kale qorshaha sanadkan waxaa ku jira in kor loo qaado adeegyada jaaliyadaha Soomaaliyeed, waxaa bilownay in maalin kasta la qaado waraaqaha ‘GO HOME’, waxaa dhowaan safaaradda bilaabi doonaa bixinta waraaqaha dambi la’aanta oo markii hore meelo kala laga qaadan jirey, sidoo kale diblomaasiyiinta safaaradda waxaa ay isla garteen in gobolada fog fog dadka ku nool adeegyadii ay safaaradda u soo doonan jireen meeshooda loogu geeyo mar dhowna laga bilaabi doonaa magaalada Cape town kaliya baasaboorka ay safaarada u soo doonan doonaan,” ayuu markale yiri danjiraha.

Danjire Jamaal Maxamed Barrow, safiirka Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in dhowaan socdaal uu ku tagi doona dalalka hadda loo soo magacaabay oo qaarkood ay ogolaadeen safaarnimadiisa.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Maaliyadda oo ka Qayb-galay dood ku saabsan shaqa la’aanta Dalka ka jirta (SAWIRRO)

Next Post
Wasiir Maaliyadda oo ka Qayb-galay dood ku saabsan shaqa la’aanta Dalka ka jirta (SAWIRRO)

Wasiir Maaliyadda oo ka Qayb-galay dood ku saabsan shaqa la’aanta Dalka ka jirta (SAWIRRO)

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In