Danjiraha Dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest ugu qeyb galay xuska sanadlaha ah ee xisbul xaakimka dalka Koonfur Afrika, kaas oo ay xiligii la aas-aasay ay kasoo wareegatay 114 sano.
Sidoo kale munaasbadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa (Matamela Cyril Ramaphosa), Wasiirro, Diblomaasiyiin kala duwan oo ka socday Safaaradaha Caalamku ku leeyahay wadankaas, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.












