Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo booqday ciidamo tababar ku qaadanaya dalkaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tagay saraakiisha ilaaladda Madaxda Sare ee Qaranka, kuwaas oo tababar aqoon-kororsi ah uga socda dalka Jamhuuriyadda Serbia, gaar ahaan Kulliyadda Tababarada Gaarka ah ee Marshal Tito, oo loo yaqaan Kula Training Centre.

Danjiraha ayaa si weyn u bogaadiyay kaalinta Dowladda Serbia ee ku aaddan tababarrada aqoon-kororsiga ee ay u fidiyeen saraakiisha Soomaaliyeed ee ilaalinta gaarka ah ee Madaxda Qaranka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026

Sidoo kale, Safiirku wuxuu saraakiisha kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursaddan qaaliga ah, ayna si hufan oo xirfad leh u dhammaystiraan tababarka.

Dowladda Serbia, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ayaa dadaal weyn ku bixisay hirgelinta tababarradan isdaba-jooga ah.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan wadatashi ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In