Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sagootin loo sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiyay wadanka Turkiga “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Sagootin loo sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiyay wadanka Turkiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan dhex maray wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Mr Mevlüt Çavuşoğlu iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane danjire Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxmaan .

Kulankaa oo ku saab sanaay sagootin loo sameeynayay safiirka ufadhiya Soomaliya dalkan Turkiga mudane danjire Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxman ayaa waxaa uu ka dhacay wasaaradda arimaha dibadda Turkiga halkaa oo uu wasiirku ku marti geliyay safiirk Maxamed Mursal

Related posts

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026

Kulanka ayaa waxaa kahadlay danjire Maxamed Mursal oo ku amaanay wasiirka arimaha dibadda Turkiga sida huf naanta iyo walaaltinimada ay ku jirto oo ay u soo wada shaqeeyeen waxa uuna uga mahad celiyay wasiirka iyo dhamaan shaacab weynaha Turkiga sida ay marwalba u garab taagan yihiin dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay wasiirka arimaha dibadda Turkiga Mr Mevlüt Çavuşoğlu oo ku amaanay safiirk Maxamed Mursal sida hufnaanta leh ee ay usooo wada shaqeeyeen iyo sida uu uga shaqeeyay isku xirka dalalka walaalaha ah ee Turkiga iyo Soomaaliya waxa uuna u sheegay waqtigi uu xafiiska joogay in ay u suura gashay soo celinti xiriirka wanaagsan ee hadda ka dhex jira soomaaliya iyo Turkiga .

Wasiirku waxa uu ilahey uga baryay safiirka mustaqbal ifaayo horomar iyo caafimaad waxa uuna ka codsaday in uu sii wada halganka uu ugu jiro sidii Soomaaliya looga saarin lahaa xaaladda ay hadda ku jirto loona gaarsiin lahaay horomar iyo isku filnaansha buuxdo.

Wasiirku waxa uu safiirka ka balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaga dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa uuna gudoonsiiyay hadiyad saxan qalin ah ( silver plate) oo laguu soo qorey magacyada Safiirka iyo wasiirka arimaha dibadda .

Waxaa Sidoo kale kulan sagootin ah u sameeyay guddoomiyaha hay’adda TİKA Dr Serdar Çam TİKA waa ha’adda ugu wayn dalka Turkiga waana hay’adda ay hoos imaadaan dhamaan howlaha ay Turkigu ka wado Soomaaliya iyo inta badan dunida daafaheeda.

Danjiraha ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyay gudoomiya hay’adda iyo dhamaan howl wadeenada hay’adda sida ay walaal tinimadu ku dheehantahay ay u garab taagan yihiin walaalahooda soomaaliya waxa uuna ka codsaday in ay sii xoojiyaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya

Guddoomiyuha hay’adda TİKA ayaa safiirka ku amaanay sida ay gacanta uga geysatay safaaradda Soomaaliya fududeynta howlaha gargaarka ay gaarsiiyeen walaahooda soomaaliya ayan sii wadi doonaan howlaha ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Guddoomiyuha hay’adda TİKA ayaa safiirka guddoonsiiyay hadiyad qaali ah taa oo ahayd tabeelo ay ku qorantahay aayada ka tirsan quraanka kariimka.

1 2 3 4 5 7 8 9 10

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In