Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sagootin loo sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiyay wadanka Turkiga “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 25, 2015
in Wararka
0
Sagootin loo sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiyay wadanka Turkiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan dhex maray wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Mr Mevlüt Çavuşoğlu iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane danjire Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxmaan .

Kulankaa oo ku saab sanaay sagootin loo sameeynayay safiirka ufadhiya Soomaliya dalkan Turkiga mudane danjire Maxamed Mursal Sheekh Abdiraxman ayaa waxaa uu ka dhacay wasaaradda arimaha dibadda Turkiga halkaa oo uu wasiirku ku marti geliyay safiirk Maxamed Mursal

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025

Kulanka ayaa waxaa kahadlay danjire Maxamed Mursal oo ku amaanay wasiirka arimaha dibadda Turkiga sida huf naanta iyo walaaltinimada ay ku jirto oo ay u soo wada shaqeeyeen waxa uuna uga mahad celiyay wasiirka iyo dhamaan shaacab weynaha Turkiga sida ay marwalba u garab taagan yihiin dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay wasiirka arimaha dibadda Turkiga Mr Mevlüt Çavuşoğlu oo ku amaanay safiirk Maxamed Mursal sida hufnaanta leh ee ay usooo wada shaqeeyeen iyo sida uu uga shaqeeyay isku xirka dalalka walaalaha ah ee Turkiga iyo Soomaaliya waxa uuna u sheegay waqtigi uu xafiiska joogay in ay u suura gashay soo celinti xiriirka wanaagsan ee hadda ka dhex jira soomaaliya iyo Turkiga .

Wasiirku waxa uu ilahey uga baryay safiirka mustaqbal ifaayo horomar iyo caafimaad waxa uuna ka codsaday in uu sii wada halganka uu ugu jiro sidii Soomaaliya looga saarin lahaa xaaladda ay hadda ku jirto loona gaarsiin lahaay horomar iyo isku filnaansha buuxdo.

Wasiirku waxa uu safiirka ka balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaga dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa uuna gudoonsiiyay hadiyad saxan qalin ah ( silver plate) oo laguu soo qorey magacyada Safiirka iyo wasiirka arimaha dibadda .

Waxaa Sidoo kale kulan sagootin ah u sameeyay guddoomiyaha hay’adda TİKA Dr Serdar Çam TİKA waa ha’adda ugu wayn dalka Turkiga waana hay’adda ay hoos imaadaan dhamaan howlaha ay Turkigu ka wado Soomaaliya iyo inta badan dunida daafaheeda.

Danjiraha ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyay gudoomiya hay’adda iyo dhamaan howl wadeenada hay’adda sida ay walaal tinimadu ku dheehantahay ay u garab taagan yihiin walaalahooda soomaaliya waxa uuna ka codsaday in ay sii xoojiyaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya

Guddoomiyuha hay’adda TİKA ayaa safiirka ku amaanay sida ay gacanta uga geysatay safaaradda Soomaaliya fududeynta howlaha gargaarka ay gaarsiiyeen walaahooda soomaaliya ayan sii wadi doonaan howlaha ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Guddoomiyuha hay’adda TİKA ayaa safiirka guddoonsiiyay hadiyad qaali ah taa oo ahayd tabeelo ay ku qorantahay aayada ka tirsan quraanka kariimka.

1 2 3 4 5 7 8 9 10

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Gogosha Wadatashiga Qaran

June 18, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay Shirka Gogosha...

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Khawaarij farabadan oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada Hoose

June 18, 2025
0

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan...

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In