Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 months ago
in Wararka
0
Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa hadda waxa uu baaritaanno Seismic ah oo Seddex geesood ah ka wada deegaanno ka tirsan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu qeyb ka ahaa heshiis hore. Oruc Reis uu horay u dhammaystiray ku dhawaad โ€‹โ€‹78% howsha sahaminta, Bayraktar wuxuu yiri: โ€œDhammaadka bisha May, waxaan ku dhammeyn doonnaa daraasadaha Seismic-ka halkaasโ€. โ€œIyada oo ku saleysan xogta la uruuriyay, waxaan gaari doonaa goโ€™aankayaga ku saabsan Wejiga xiga, kaasi oo ah qodista,โ€ ayuu yiri.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

Bayraktar waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in magaalada Istanbul ay martigelin doonto Shirka Khayraadka Dabiiciga ah ee Caalamiga ah bisha May 2-deeda. Wasiiro iyo shirkado ay khusayso oo ka kala socda daafaha caalamka ayaa isugu iman doona, xafladaasina ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado iskaashiga, gaar ahaan dhinaca Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah, iyo Macdanta.

โ€œDhammaanteen waxay noo tahay maalin taariikhi ahโ€ ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed, wuxuuna sheegay in koox loo abaabuli doono, si ay Soomaaliya u aadaan, si ay u qiimeeyaan oo ay ugu diyaar garoobaan shaqada weyn ee hortaala.โ€ Sida uu sheegeen, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya โ€œwaxaa ka goโ€™an inay Soomaaliya gaarsiiyaan heer ka duwan kuwii hore.

โ€˜Iskaashiga mustaqbalkaโ€™, Wasiirka Soomaaliya ayaa yiri: โ€œWaxaan sidoo kale ka fekereynaa kheyraadka kale sida Macdanta.โ€ Waxa uu sheegay in marka la sameeyo aasaaska sharci ee lagama maarmaanka ah, shirkadaha macdanta ee Turkiga ay soo geli karaan Soomaaliya, si ay heshiisyo iyo qandaraasyo u sameeyaan.

Haddaba bishan 2-deedii ayaa Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamad Xaashi Carabeey, ayay shir-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirro ka kala socday dalalka Azerbaijan, Ciraaq, iyo Libya, xilli uu socday shirka caalamiga ah ee โ€œIstanbul Natural Resources Summitโ€.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray:-

1.Horumarinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

2.Tababarka iyo dhisidda awoodda shaqaalaha Soomaaliyeed

Wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo ku saabsan sahminta.

3. iyo ka faaโ€™iideysiga kheyraadka dabiiciga ah

Is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo kor u qaadista xirfadaha farsamo

Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa madasha uga faaโ€™iideystay fursad uu si qoto dheer ugala hadlo dhiggiisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalkan, si loo abuuro iskaashi muuqda oo horumarin kara kheyraadka dalka.

Kulammadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku raadinayso iskaashi caalami ah oo wax-ku-ool ah, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo adeegyada la xiriira Batroolka iyo Macdanta.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeeda, waxa uuna xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, isagoo carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka, si loo xoojiyo waxsoosaarka khayraadka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacayay Istanbul, ayaa sanadkaan halkudhiggiisu waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, ee ku aaddan Macdanta, iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee Tamarta nadiif ka ah iyo Macdanta waarta.

Shirkaan intii uu socday waxaa jiray doodo oo ay ka qayb qaadanayeen Wasiirrada Macdanta ee dalalka Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia iyo Soomaaliya, iyadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar, waxaana ugu dambeyntiina Wasiir Bayraktar ayaa dhankiisa adkeeyay in dawladda Turkigu, ay marwalba garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, sidii ay ula soo bixi laheyd Shidaalka dihan ee dhex ceegaaga dhulkeeda.

Dhinaca kale Ilo dhanka Dowladda Turkiga ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in sahminta Batroolka iyo Gaaska ee ay Dowladda Turkiga ka waddo Badda Soomaaliya uu haatan gebogebo ku dhaw yahay, xogta laga helayo baaritaanka horudhacana uu muujinayo :

โ€“ In seddexdii Ceel labo ka mid ah baaritaankooda la dhameeyay, halka midka seddexaadna uu haatan gabagabo ku socdo.

โ€“ In boqolkiiba 90% baaritaanka la sameeyay uu muujinayo in Gaas ganacsi noqon karo laga helay labada Ceel.

-In dhameystirka Ceelka seddexaad uu qaadan karo ilaa bisha sideedaad (Agosto) ee saandkan.

-In halkii Ceel ay suurtagal tahay in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo Gaas Ganacsi ah.

-In nooca Gaaska iyo qiyaasta rasmiga la ogaan karo marka :

โ€“ Ceelasha Afka laga dilaaciyo

-Iyo marka xogta baaritaan ee 3D lagu soo qiimeeyo sheybaarada Gaaska iyo Shidaalka, sida ay qortay Wakaaladda Wararaka dalka Turkiye ee Anadolu.

By. C/laahi Ruush

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faaraxย 

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faaraxย 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faaraxย 

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

December 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In