Saturday, July 2, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Diinsoor oo Caawa la burburiyay

June 2, 2016
in Wararka
0
Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Diinsoor oo Caawa la burburiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamda Booliska Gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koofir Galbeed Soomaaliya ayaa caawa burburiyay Saldhig deegaanka Misre ee degmada Diinsoor ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabab kadib markii ay ciidamada kala wareegeen maleeshiyaadkii ku sugnaa Saldhiggaasi.

Wasiirka Hub kadhigta iyo dhaqan celinta dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ciidamada Booliska Gaarka ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Misre, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ay maleeshiyaadka al shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

July 2, 2022
Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

July 2, 2022

Wasirka ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay isku dayeen in ay iska caabiyaan ciidamada balse loo awood sheegtay kooxihii ku sugnaa saldhigga iminkana ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

“Howlgalku Caawa ayuu dhacay, qasaare wuu jiraa dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa isagoo faahfaahsan laakin waxaa idin xaqiijinayaa in caawa Ciidamada Booliska Gaarka ah burburiyeen Saldhiggii alshabaab ee deegaanka Misre ee magaalada Diinsoor”ayuu yiri Wasiir Xasan Eelaay.

Booliska Gaarka ee dhawaan loo tababaray dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ay Al-shabaab kala wareegayaan deeganada uu ka taliyo maamulkaasi.

Xigasho SONNA

Previous Post

Turkiga iyo Soomaaliya: Birri maxey ka dhigan tahay?

Next Post

Daawo Sawirrada: Wakiilka Midowga Afrika oo xarigga ka jaray dugsi ciidan oo AMISOM ka hirgelisay deegaanka Jasiira

Next Post
Daawo Sawirrada: Wakiilka Midowga Afrika oo xarigga ka jaray dugsi ciidan oo AMISOM ka hirgelisay deegaanka Jasiira

Daawo Sawirrada: Wakiilka Midowga Afrika oo xarigga ka jaray dugsi ciidan oo AMISOM ka hirgelisay deegaanka Jasiira

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

Israa’iil oo duqeeymo ka geeysatay Suuriya

July 2, 2022
0

Suuriya ayaa Israa'iil ku eedeeysay in saakay ay ku soo qaaday weerar gardarra ah oo dhanka cirka ah, kaasi oo...

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo u dabaal degtayToddobaadka Xoriyadda dalka

July 2, 2022
0

Munaasabad lagu xusayay maalmaha xoriyadda, Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay dalka Kuwait, xafladan oo ay iska...

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

Dhul gariir xooggan oo ka dhacay koonfurta Iiraan

July 2, 2022
0

Dad gaaraya Shan ruux ayaa dhintay, halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Subaxnimadi hore ee saakay uu dhul...

QM oo War kasoo saartay Abaaraha kajira qeybo kamid ah Sooomaaliya

Tirada dadka ku barakacay abaarta geeska Afrika oo la shaaciyay

July 2, 2022
0

Guud ahaan Geeska Afrika, laga soo bilaabo waqooyiga Kenya ilaa bariga Itoobiya iyo inta badan Soomaaliya, abaaro ba’an ayaa ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In