Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 7, 2015
in Wararka
0
Xuska sanad guurada 2-aad ee Jimciyadda SOHEDA oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munasabad ay ka qeyb galeen xubno katirsan labada gole ee dowladda federaalka Somaaliya qaybaha kale duwan ee bulashada iyo boqolaal ka tirsan ardayda dhigata iskuulada gacanta ay ku hayso Hey’ada Horumarinta Tacliinta iyo gar gaarka bini’aadanimo ismarkaana lagu xusayey sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay hay’adda horumarinta Tacliinta iyo gargaarka bini’aadanimo Soomaaliyeed ee SOHEDA ayaa lagu qabtay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Hay ‘adda horumarinta Tacliinta iyo Gargaarka Bini’aadanimo ee uu lahaa fikirka hirgalinta hey’adaasi Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay gacanta ku heysaa 39 iskuul oo ay dhigtaan 860 arday.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa lagu soo bandhigay filim Decumentry ah oo ka hadlayay waxyaabihii ay qabatay hey’ada labadii sano ee la soo dhaafay.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan iyo C/kariim Xuseen Guuleed wasiirkii hore arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ahna la Taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha Dalka oo goobta ka hadlay ayaa muujiyay sida muhiim ay u tahay wax barida ubadka Soomaaliyeed ee danta yarta ah iyagoo ammaanay waxqabadka hey’adda SOHEDA.

Xildhibaan Bashiir Caddow oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya kuna hadlayay magaca Xildhibaannadii ka qeyb galay Munaasabadda ayaa ku booriyay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan Xildhibaan Yuusuf Xeyle.

Wasiirka beeraha Soomaaliya mudane Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile oo isna hadal kooban ka jeediyey halkaasi ayaa tilmamay in ardayda Soomaaliyeed ee danyarta ah in wax la baro ay tahay arrin ahmiyad weyn leh.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo ugu dambeyntii ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in uu bixin doono waxbarashada 100 arday oo lagu biirinayo kuwii horey u dhiganayay skuulada ay gacanta ku heyso hay’adda, islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay tageerida wax kasta oo lagu horumarinayo Tacliinta ubadka Soomaaliyeed.

soheda-1

soheda-2

soheda-3

soheda-4

soheda-5

soheda-7

soheda-8

soheda-9

soheda-10

soheda-11

soheda-12

soheda-13

soheda-14

soheda-15

Previous Post

Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In