Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SANADGUURADII 1AAD EE SODA KING OO SI WAYN LOOGU DAMAASHAADAY MUQDISHO “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
SANADGUURADII 1AAD EE SODA KING OO SI WAYN LOOGU DAMAASHAADAY MUQDISHO “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kumanaan dadweyna ah ayaa maanta isugu soo baxay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyagoo u damaashaadayay sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii warshada cabitaanada Soomaaliyeed ee Soda King, aroortii hore ee maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu soo toosay buufin aad u weyn oo weli aan horey loogu arag dalka oo dul heehaabayay magaalada, kaas oo markii hore soo dul maray magaalada kadibna dul joogsaday halkii uu ka socday damaashaadka warshada cabitaanada ee Soda King.

Soda King waa warshada kaliya ee soo saarta cabitaano dabiici ah kuwaas oo laga sameeyay wax soo saarka dalka, warshada ayaa waxay leedahay sadax qaybood oo kala ah:

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

Qaybta koowaad ee SODA KING, taas oo samaysa cabtaanada gaaska leh ee kala ah Orange, Lemonade, Strawberry, Mixed Berry, Apple iyo KingCola.

Qaybta labaad ayaa ah qaybta biyaha AQUA KING ayaa samysaa biyaha kala ah: Aqua King still (Aqua King Mineral water ) Aqua King sparkling (Aqua minerale gazatta) Aqua King sparkling Strawberry, Aqua King Limon and Lime.

Qaybta sadexaad ayaa ah qayta JOOZ taas oo sameysa cambaha, Zaytuunka iyo qudaarta kale ee dalkeena.

Maamulaha warshada Soda King Ahmed Sh Yusuf Guled oo ka warbixinayay ay waxyaabihi u qabsoomay sanadkii ay warshadu jirtay ayaa sheegay in ay ku fideen guud ahaan dalka Soomaaliya isla markaana ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soda King waa warshada kaliya sameysa cabitaano dabiica ah waxayna leedahay certificate-ka loo yaqaan BRC ee u suurto galinaysa in waxsoosaarka warshada lagu iibin karo wadamada Europe iyo USA, balse ilaa hada waxaa waxsoosaarka warshadu gaarsiisan yahay wadamada deriska sida Kenya iyo Ethiopia

Mas’uuliyiinta warshada ayaa sheegay in ay baajiyeen lacagihii qalaad ee dalka dibadiisa wax looga soo iibin jiray isla markaana ay shaqo u abuureen dhalinyarada soomaaliyeed

Sidoo kale warbaahinta caalamka ayaa aad uga hadlay horumarka iyo guulaha ay warashada Sodaking u soo hoysay dalka Soomaaliya

1 Soda King photo photo 1 photo 1a photo 1aa photo 1f photo 2 photo 2as photo 2b photo 2j photo 3 photo 3c photo 3g photo 4 photo 4d photo 4h photo 5 photo 5e photo 5i photo 5i (1) photo 5i (2) photo 312 photo 432

Booqo links-kan hoose

https://uk.video.search.yahoo.com/video/play;_ylt=A2KLqIr6s11UeBAAF5l2BQx.;_ylu=X3oDMTByZ2N0cmxpBHNlYwNzcgRzbGsDdmlkBHZ0aWQDBGdwb3MDMg–?p=somalia+soft+drink&vid=7d6b186eea30cc50260382581e579a1b&l=1%3A56&turl=http%3A%2F%2Fts4.mm.bing.net%2Fth%3Fid%3DVQ.346065294239%26pid%3D15.1&rurl=https%3A%2F%2Fwww.youtube.com%2Fwatch%3Fv%3DRGWouBlLw6Q&tit=%3Cb%3ESomalia+%3C%2Fb%3Egets+its+first+soda+factory+in+20+years&c=1&sigr=11bnf18oh&sigt=11mak617m&age=21327891337&fr=sfp&tt=b

http://www.voasomali.com/?refresh=1

https://www.youtube.com/watch?v=FBAhQgyS0Dw&list=UUfiwzLy-8yKzIbsmZTzxDgw

Ahmed Guled

CEO

Soda King

[email protected]

 

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan looga soo horjeeday moowshin loo gudbiyay baarlamanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Kulan looga soo horjeeday moowshin loo gudbiyay baarlamanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Kulan looga soo horjeeday moowshin loo gudbiyay baarlamanka oo lagu qabtay Muqdisho "Sawirro"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In