Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SANADGUURADII 1AAD EE SODA KING OO SI WAYN LOOGU DAMAASHAADAY MUQDISHO “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
SANADGUURADII 1AAD EE SODA KING OO SI WAYN LOOGU DAMAASHAADAY MUQDISHO “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kumanaan dadweyna ah ayaa maanta isugu soo baxay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho iyagoo u damaashaadayay sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii warshada cabitaanada Soomaaliyeed ee Soda King, aroortii hore ee maanta ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu soo toosay buufin aad u weyn oo weli aan horey loogu arag dalka oo dul heehaabayay magaalada, kaas oo markii hore soo dul maray magaalada kadibna dul joogsaday halkii uu ka socday damaashaadka warshada cabitaanada ee Soda King.

Soda King waa warshada kaliya ee soo saarta cabitaano dabiici ah kuwaas oo laga sameeyay wax soo saarka dalka, warshada ayaa waxay leedahay sadax qaybood oo kala ah:

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026

Qaybta koowaad ee SODA KING, taas oo samaysa cabtaanada gaaska leh ee kala ah Orange, Lemonade, Strawberry, Mixed Berry, Apple iyo KingCola.

Qaybta labaad ayaa ah qaybta biyaha AQUA KING ayaa samysaa biyaha kala ah: Aqua King still (Aqua King Mineral water ) Aqua King sparkling (Aqua minerale gazatta) Aqua King sparkling Strawberry, Aqua King Limon and Lime.

Qaybta sadexaad ayaa ah qayta JOOZ taas oo sameysa cambaha, Zaytuunka iyo qudaarta kale ee dalkeena.

Maamulaha warshada Soda King Ahmed Sh Yusuf Guled oo ka warbixinayay ay waxyaabihi u qabsoomay sanadkii ay warshadu jirtay ayaa sheegay in ay ku fideen guud ahaan dalka Soomaaliya isla markaana ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soda King waa warshada kaliya sameysa cabitaano dabiica ah waxayna leedahay certificate-ka loo yaqaan BRC ee u suurto galinaysa in waxsoosaarka warshada lagu iibin karo wadamada Europe iyo USA, balse ilaa hada waxaa waxsoosaarka warshadu gaarsiisan yahay wadamada deriska sida Kenya iyo Ethiopia

Mas’uuliyiinta warshada ayaa sheegay in ay baajiyeen lacagihii qalaad ee dalka dibadiisa wax looga soo iibin jiray isla markaana ay shaqo u abuureen dhalinyarada soomaaliyeed

Sidoo kale warbaahinta caalamka ayaa aad uga hadlay horumarka iyo guulaha ay warashada Sodaking u soo hoysay dalka Soomaaliya

1 Soda King photo photo 1 photo 1a photo 1aa photo 1f photo 2 photo 2as photo 2b photo 2j photo 3 photo 3c photo 3g photo 4 photo 4d photo 4h photo 5 photo 5e photo 5i photo 5i (1) photo 5i (2) photo 312 photo 432

Booqo links-kan hoose

https://uk.video.search.yahoo.com/video/play;_ylt=A2KLqIr6s11UeBAAF5l2BQx.;_ylu=X3oDMTByZ2N0cmxpBHNlYwNzcgRzbGsDdmlkBHZ0aWQDBGdwb3MDMg–?p=somalia+soft+drink&vid=7d6b186eea30cc50260382581e579a1b&l=1%3A56&turl=http%3A%2F%2Fts4.mm.bing.net%2Fth%3Fid%3DVQ.346065294239%26pid%3D15.1&rurl=https%3A%2F%2Fwww.youtube.com%2Fwatch%3Fv%3DRGWouBlLw6Q&tit=%3Cb%3ESomalia+%3C%2Fb%3Egets+its+first+soda+factory+in+20+years&c=1&sigr=11bnf18oh&sigt=11mak617m&age=21327891337&fr=sfp&tt=b

http://www.voasomali.com/?refresh=1

https://www.youtube.com/watch?v=FBAhQgyS0Dw&list=UUfiwzLy-8yKzIbsmZTzxDgw

Ahmed Guled

CEO

Soda King

[email protected]

 

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan looga soo horjeeday moowshin loo gudbiyay baarlamanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Kulan looga soo horjeeday moowshin loo gudbiyay baarlamanka oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Kulan looga soo horjeeday moowshin loo gudbiyay baarlamanka oo lagu qabtay Muqdisho "Sawirro"

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beladweyne

September 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In