Warbixin uu siiyay Taliyaha Ururka 60-aad Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane; Daahir Maxamuud Geelle, ayaa lagu sheegay in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddiyadii loo geystay Wariyeyaal Soomaaliyeed,18kii bishan, 2019.
Saddexdan Sarkaal ayaa haatan ku jira Gacanta laanta Dembi Baarista ee Booliiska Soomaaliyeed, sida ay Wakaaladda SONNA xogtan ku heshay.