Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sare u kaca Gaaska la shito ku yimid oo laga cabanayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabashada bulshada Puntland ee sare u kaca Qiimaha Gaaska, jawaabta Shirkadaha Gaaska, Maamulka iyo Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo fadhi dag dag ah ka yeeshay.

Sare u kac ballaran oo ku yimi Noocyada kala duwan ee Gaaska la shito guud ahaanba deegaannada Puntland ayaa sababay in 24 saac ee la soo dhaafay uu ka bilowday Baraha bulshada diidmo ka soo horjeeda arintaasi, kuwaasi oo ay garwadeen ka yihiin dhallinyaro kala duwani.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Qiimaha Haamaha Gaaska la shito ayaa qiimo ahaan kala duwan, tusaale ahaan Haamaha yar yar waxay ka ahaayeennl Deegaannada Puntland 25 dollar halka kuwa waawayna ay ahaayeen 42 ilaa 43 dolar, hadana waxay qiime ahaan Gaareen 50 dollar taasi oo sababtay cabasho xoogan oo ka timid bulshada qaybaheeda kala duwan.

Shirkadaha ka Ganacsada keenista iyo iibintooda ayaa sheegay in sara u kaca Gaaska la shito ay ka danbayso Maamulka oo canshuurti ku kordhiyay shirkadaha Gaaska, iyana ay bulshada ku dareen.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo ka jawaabaysa cabashada xoogan ee ka timid bulshada qaybaheeda ayaa tilmaantay in baaris ay arintaasi ku samaysay ay ku ogaatay in aysan jirin wax canshuur kordhin ah oo ay ku samaysay dowladdu gaaska la isticmaalo, taasi oo jaha wareer kale ku abuurtay bulshada.

Waxaana Baraha bulshada lagu faafiyay olahan oo loogu magac daray 50$ Maya 20$ Haa, waxaana garab socday wicitaan toos ah oo ay bulshadu kula xiriirayeen Madaxda Wasaaradaha ay sida gaarka ah u khusayso arintaani Sida Maaliyadda, Ganacsiga, Deegaanka iyo Arrimaha Gudaha, taasi oo sababtay in Wasaaradaha iyo Wasiirada qaybtood bogaadiyaan dareenka shacabka, xuseena inay jawaab dag dag bixin doonaan.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo dhankiisa ka jawaabaya cabashada bulshada ee la xiriirta sare u kaca Gaaska cuntada ayaa isugu yimid fadhigoodii afaraad ee guddiga, ayna goob joog ka ahaayeen Wasiirka Xanaannada Xoolaha Puntland, Hogaanka IDC iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland kuwaasi oo ay wax ka waydiiyeen Cabashada bulshada ka imaanaysa warar Hoose ayaa iyana sheegaya in Baarlamaanku u yeereen Wasaaradaha sida gaarka ah ugu shaqada leh arintaani.

Marka laysku daro Cabashada Bulshada ee la xiriirta halkii ugu hoosaysay ee Nolashooda, Shirkadaha Gaaska oo sheegay in Canshuur kordhin lagu sameeyay iyo Maamulka Puntland oo arintaasi beeniyay waxay u muuqataa arin kaaf iyo kala dheeri ah, balse Baarlamaanka looga fadhiyo inuu arrintan xal u keeno.

Previous Post

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu wareejiyay gurigeeda oo muddo 30 sano ah laga heeystay

Next Post

Guddiga Doorashada Heer D/G Galmudug oo shaaciyay ergada saddex kursi

Next Post
Koonfur Galbeed oo shaaciyay doorashada Saddex kamid ah Golaha Shacabka

Guddiga Doorashada Heer D/G Galmudug oo shaaciyay ergada saddex kursi

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In