Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sareeye guuto Saalax “Waxaan dilnay Dhagarqabe ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo mid Pakistaani ah” Dhageyso

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammada Xoogga Dalka ayaa guulo waa weyn ka gaaray Howlgalo baaxad leh oo ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Howlgalada ay Ciidammada Xoogga Dalka ku dileen Dhagar qabe ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo mid Dhalashadiisu tahay Pakistan oo ka mid ah Qolada Miinada dhigta.

“Khasaaro badan ayaa soo gaaray Argagaxisada Guulaha hada la taaban karo waxaa ka mid ah Ninkii Miinooyinka sameyn jiray oo Qaraxyada waliba ragii ugu cuslaa oo Qaraxii Soobe ka qeyb qaatay ayaan halkaasi ku dilnay, Nin kale oo Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan ayaan dilnay oo isna Qoloda Miinada dhigta ah iyo Macalin habka Miinada loo dhigo ku tababara Argagaxisada iyo rag badan oo Qoladii Miinda dhigeysay iyo Maleeshiyo leh ayaan halkaas ku dilnay.” ayuu yiri Abaanduulaha Qeybta 27-aad

Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse Abaanduulaha Qeybta 27-aad ayaa sheegay in deegaano badan ay Argagaxisada kala wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/10/sareeye-guuto-saalax-muumun-.mp3

Previous Post

Muxuu muhiim u yahay Heshiiska dhinacyada Siyaasadda ee Koofurta Suudaan.? “Dhageyso”

Next Post

US calls for ceasefire, peace talks in Yemen

Next Post
US calls for ceasefire, peace talks in Yemen

US calls for ceasefire, peace talks in Yemen

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In