Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sarkaal haweenay ay kala tageen dilay oo dil toogasho ah lagu xakumay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Sarkaal haweenay ay kala tageen dilay oo dil toogasho ah lagu xakumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax  ayaa  horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhanka Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda.

Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo uu ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay.

Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto, balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi).

Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid  ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen  soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista  dambiyada ee CID.

Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta  in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali.

Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta  5- bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, markaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada.

Laba xidigle  Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda.

Qareenada u doodayay eedeysnayaha ayaa weydiistay Garsoorka in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali  dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

 

 

Previous Post

Hiiraan: Ciidamada Xoogga dalka oo saaka howlgallo ku bur buriyay saldhig ay lahayeen Al-Shabaab

Next Post

Howlgal lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo laga fuliyay G/Jubbada dhexe

Next Post
Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada hoose

Howlgal lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo laga fuliyay G/Jubbada dhexe

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In