Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SAWIRO: Golaha Wasiirada oo ansixiyay siyaasadda isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikrada xag-jirnimada.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 11, 2016
in Wararka
0
SAWIRO: Golaha Wasiirada oo ansixiyay siyaasadda isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikrada xag-jirnimada.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha wasiirada oo maanta kulankoodii caadiga ahaa isugu yimid ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin amniga dalka iyo ansixinta qaab siyaasadeedka dowladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada, waxaana shir-gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.

Wasaarada amniga gudaha ayaa laga dhageysta warbixinta amniga kadibna waxey golaha u soo jeedisay in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada oo muddo 3 isbuuc ah horyaalay golaha, qaab siyaasadeedkaan ayaa ka hadlaya sida loo la dhaqmayo dadka ka soo laabta xagjirnimada, golaha wasiirada ayaana maanta si rasmi ah u ansixiyay qaab siyaasadeedka.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Wasaardda gaashaandhiga ayaa golaha warbixin ka siisay howlgalo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DANAB ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolada dalka, Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in horjooge qabiir ku ahaa sameeynta qaraxyadaoo katirsanaa kooxa argagaxisada in gacanta ay ku soo dhigeen ciidanka Soomajeestayaasha ah ee DANAB, wuxuuna wasiirka sidoo kale sheegay in maleeshiyaad badan oo katirsan nabaddiidka lagu dilay howlagaladaas, Wasiirka waxuu golaha ka hor sheegay in DANAB ay yihiin ciidan ay ku faani karaan dadka Soomaaliyeed islamarkaana u tababaran ciribtirka argagixisada, Sidoo kale golaha wasiirada oo uu hormuud u yahay Ra’iisul wasaare Cumar ayaa boogaadiyay amaanayna dhamaan ciidamada qalabka sida gaar ahaan soomajeestayaasha DANAB.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid oo soo xiray shirka ayaa ku booriyay dhaamaan Wasiirada, Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir xigeenada in ay la ilaaliyo hantida dowlada waqtiga isbadalka lagu jiro islamarkaana la laba-laabo howsha ay Ummada Soomaaliyeed u hayaan kana fogaadaan wax walba oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed si dalka ay uga hirgesho doorasho xor ah.

thumbnail_IMG_9941 thumbnail_IMG_9930 thumbnail_IMG_9923 thumbnail_IMG_9959 thumbnail_IMG_9976

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Dowladda Ethiopia oo deeq raashiin ah gaarsiisay Beledweyn-Sawirro

Next Post

Deg deg Dab xoogan ayaa ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Muqdisho

Next Post
Dabdamiska Gobalka Banaadir Oo ku Guuleystay daminta Dab ka kacay Isbitaalka Banaadir

Deg deg Dab xoogan ayaa ka kacay kaalin shidaal oo ku yaala Muqdisho

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In