Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yariisow oo soo xiray kulamada wada tashiyada Dadweynaha ee geeddi socodka doorashooyinka 2020 (Sawirro)

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yariisow oo soo xiray kulamada wada tashiyada Dadweynaha ee geeddi socodka doorashooyinka 2020 (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa soo xiray kulammadii wadatashiga dadweynaha ee ay wadeen Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo dhacay dalka oo dhan.

Kulammadaas ayaa intii ay socdeen diiradda lagu saaray qorshaha Istaratiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku aaddan waddooyinka ugu habboon ee lagu hirgelin karo doorashooyin qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026

Guddoomiye Eng. Yarisow oo munaasabadda xiritaanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in kulamadani ay dhabaha u xaari doonaan sidii loo heli lahaa tallooyin wanaagsan oo ay isku raacsan yihiin dadweynaha Soomaaliyeed, waxuna uga mahadceliyey guddiga kulamadii wadatashiga ee ka dhacay G/Benaadir ee bulshada lagu weydiinayey tallooyinka.

“Waxaa jirta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed talada dib loogu celiyo si ay go’aan uga gaaraan cidda matalaysa, maamulka G/Benaadir na qorshihiisu waa in taladu ay dib ugu noqoto shacabka. Muqdisho waa muraayaddii midnimada iyo wadajirka ummadda, waana in ay horseed ka noqoto doorashoyinka dhacaya sanadka 2020”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxa uu kula dar-daarmay dadkii ka faa’iideystay wadatashiyadan in dib ay ugu celiyaan talada degmooyinkii ay ka yimaadaan, si shacabku ay ugu sii diyaar garoobaan una bartaan wax-yaabaha looga baahan yahay si ay doorashadu u dhacdo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay si loo gaaro doorashooyin guud oo dhaca sanadka 2020 in loo baahan yahay caqabadaha jira in looga gudbi karo isku tanaasul, dulqaad iyo in qof walba ogaado danta ugu jirta sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Maamulka sare ee gobolka Benaadir.

Previous Post

Daawo Sawirro+Jaamacada SIMAD oo Heshiis Iskaashi la saxiixatay Jaamacada Vaal oo ku taala dalka Koonfur Afrika,

Next Post

Fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gedo oo la bur-buriyay

Next Post
Fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gedo oo la bur-buriyay

Fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Gedo oo la bur-buriyay

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In