Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01 Oct, 2016 Qasriga Madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe ku qaabilay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michel Carvone.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee maamul goboleedka Putland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada Putland Deeq Saleebaan Yuusuf waxaana looga hadlay sidii loo sii dar-dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland oo ay ka mid tahay barnaamijyada caafimaadka, dhismaha iyo dib u dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo iyo mashaariico kale oo tiro badan oo midowga Yurub uu ka fuliyo Puntland.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Michel Carvone ayaa maamulka Puntland ku ammaanay sida ay uga faa’iidaysaneyso mashaariicaha horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland, isla markaana waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradooda ay la garab taagan yihiin Puntland.

Michel Carvone ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka ka qabsoomi doona dhawaan waxa uu ku bogaadiyey dawlad goboleedka Puntland sida ay uga go’antahay in dalka Soomaaliya uu hore u socda iyo in la helo dawladnimo Soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey midowga Yurub taageeradooda lixaadka leh ee ay la garab taaganyihiin Puntland, isla markaana waxa uu intaa sii raaciyey in ay dawladda Puntland ka faa’iideysanayso dhammaan mashaariicahaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ambassadorka  kawada hadleen arrimaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha la xiriira geeddi socodka doorashooyinka dadba, iyadoona uu Madaxweynuhu xusay in dhammaan heshiisyadii ay dhawaan madasha wadatashiga qaranku  wada saxiixday ay Puntland sidii loogu heshiiyey uga wada hirgeleyaan xilligi loogu talo galay.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Midowga Yurub ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan sidii ay Soomaaliya ula soo laaban lahayd dawladnimadii iyo qarranimadeedii, iyadoona uu Madaxweynuhu meesha ka saaray in aanay Puntland aqbali doonin in wax dib u dhac ah oo dambe lagu sameeyo doorashooyinka dadban.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

2222 222 111 unnamed

Previous Post

Kulan looga hadlayay Nabedgalyada Degmada oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Next Post

Sawiro : Dowlad goboleedka Galmudug oo Tababar u furay shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha.

Next Post
Sawiro : Dowlad goboleedka Galmudug oo Tababar u furay shaqaalaha wasaarada  arrimaha gudaha.

Sawiro : Dowlad goboleedka Galmudug oo Tababar u furay shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In