Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro” Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhagax dhigay Xarun lagu tababari doono Ciidammada

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
“Sawirro” Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhagax dhigay Xarun lagu tababari doono Ciidammada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kulan kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Iyo Taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo saraakiisha Ciidanka Boliiska, Waxaana Madaxweynaha uu warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan Xaqiijinta ammaanka iyo bilowga Dhismaha Ciidanka BOolois Hirshabelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Yurub, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ay iska kaashadaan dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaannada Hirshabelle, sidoo kale waxa uu kaga mahadceliyay Midowga Taageeradooda Soomaaliya.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee Soo Gaaray Magaalada Jowhar Patrick ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jira dhismaha iyo horumarinta Hirshabelle, waxaana ka midowga Yurub ahaan uu balanqaaday in ay ka saacidayaan dhinacyada Ammaanka Dhisida Ciidanka Boliiska Hirshabelle, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Caafimaadka waxbarashada, iyo arrimo kale.

Kulanka Kaddib Ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Waare Iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick ayaa dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo ay yeelato Hirshabelle, waxaana dhismihiisa uu bilowday isla maanta, waxaana Bisha April uu tababar ugu Furmi doonaa Dufcadii ugu horeysay Ciidanka Boliska Hirshabelle.

Madaxa Midowga Yurub oo dhagax dhiga kaddib hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo Madaxda Dowladda Hirshabelle, kalana hadlaan dhisida Ciidanka goob joogna uu ka noqdo dhagax dhiga Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo uu rajeynayo in ay ka aflaxaan Ciidamo ka shaqeeya xaqiijinta ammaanka awoodna u yeesha in ay ka hortagaan falalka Amni daro.

Sidoo Kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa kaga Mahadceliyay Midowga Yurub Dadaalkooda ku aadan horumarinta iyo Garab istaaga Soomaaliya, waxaana ku ammaanay sida ay u garabtaaganyihiin oo ay ka caawinayaan dhismaha ciidanka Boliiska Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay dhagax dhiga dugsigani uu ka turjumayo sida ay isugu howlayaan in laga shaqeeyo xaqiijinta iyo sugida ammaanka.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Next Post

Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka

Next Post
Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka

Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In