Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro” Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhagax dhigay Xarun lagu tababari doono Ciidammada

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
“Sawirro” Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dhagax dhigay Xarun lagu tababari doono Ciidammada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Kulan Magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Hirshabelle kulan kula qaatay Wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Iyo Taageerada ay ugu baahantahay Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehlinyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, iyo saraakiisha Ciidanka Boliiska, Waxaana Madaxweynaha uu warbixin ka siiyay Wafdiga dadaalada ay ku doonayaan Xaqiijinta ammaanka iyo bilowga Dhismaha Ciidanka BOolois Hirshabelle oo dhismihiisa ay ka qeyb qaadanayaan Midowga Yurub, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ay iska kaashadaan dardargalinta dhismaha iyo horumarinta ciidanka si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaannada Hirshabelle, sidoo kale waxa uu kaga mahadceliyay Midowga Taageeradooda Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Madaxa Wafdiga Midowga Yurub ee Soo Gaaray Magaalada Jowhar Patrick ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle kaga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jira dhismaha iyo horumarinta Hirshabelle, waxaana ka midowga Yurub ahaan uu balanqaaday in ay ka saacidayaan dhinacyada Ammaanka Dhisida Ciidanka Boliiska Hirshabelle, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Caafimaadka waxbarashada, iyo arrimo kale.

Kulanka Kaddib Ayaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Waare Iyo Madaxa Wafdiga Midowga Yurub Patrick ayaa dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle ee Magaalada Jowhar kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo ay yeelato Hirshabelle, waxaana dhismihiisa uu bilowday isla maanta, waxaana Bisha April uu tababar ugu Furmi doonaa Dufcadii ugu horeysay Ciidanka Boliska Hirshabelle.

Madaxa Midowga Yurub oo dhagax dhiga kaddib hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Magaalada Jowhar islamarkaana la kulmo Madaxda Dowladda Hirshabelle, kalana hadlaan dhisida Ciidanka goob joogna uu ka noqdo dhagax dhiga Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Hirshabelle oo uu rajeynayo in ay ka aflaxaan Ciidamo ka shaqeeya xaqiijinta ammaanka awoodna u yeesha in ay ka hortagaan falalka Amni daro.

Sidoo Kale Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa kaga Mahadceliyay Midowga Yurub Dadaalkooda ku aadan horumarinta iyo Garab istaaga Soomaaliya, waxaana ku ammaanay sida ay u garabtaaganyihiin oo ay ka caawinayaan dhismaha ciidanka Boliiska Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay dhagax dhiga dugsigani uu ka turjumayo sida ay isugu howlayaan in laga shaqeeyo xaqiijinta iyo sugida ammaanka.

Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Next Post

Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka

Next Post
Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka

Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka XFS oo faah-faahin ka bixisay halka uu marayo dhamaystirka Dastuurka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In