Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo ku dhiirrigeliyey in ay ka faa’iideystaan fursadaha ganacsiga, waxbarashada iyo maalgashiga ee ka jira dalka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, horumarrada ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qorsheyaasha laga dhur-sugayo, isaga oo ganacsatada iyo jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Turkiga ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen.
Dhankooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyey xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, iyagoo la wadaagay dareenkooda ku aaddan baahiyaha ay qabaan jaalliyaddu.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xubnaha jaalliyadda ee ka soo qayb galay kulanka iyo kuwa kale ee ay u saamixi weydey xaaladda COVID-19-Ku kula dardaarmay in ay midoobaan, isna caawiyaan, sidoo kale na ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo si weyn u soo dhoweeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan.
Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Moowlid Xuseen Guhaad,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Caydiid Maxamed.
Previous Post

Foreign Minister participates the Extraordinary Session in Pakistan

Next Post

Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo guddi xaqiiqo raadin ah u direysa dalka Libya

Next Post
Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo guddi xaqiiqo raadin ah u direysa dalka Libya

Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo guddi xaqiiqo raadin ah u direysa dalka Libya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In