Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Sanad guurada 45-aad ee aas-aaskii Isbitaalka Banaadir oo maanta lagu dhigay Tiyaatarka Qaranka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Sanad guurada 45-aad ee aas-aaskii Isbitaalka Banaadir oo maanta lagu dhigay Tiyaatarka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusayey Sanadguurada 45-aad ee aasaaska Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo Soo bandhigidda waxqbadka Sedeexdii sano ee ugu dambeysay

Heeso, gabayo iyo warbixino kala duwan oo ka tarjumaya wax qabadkii mugga lahaa oo ay ku talaabsadeyn Maamulka iyo howlwadeenada Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa lagu soo bandhigay Munaasabadda Sanadguurada 45-aad ee aasaaska Isbitaal Banaadir iyo Soo bandhigidda waxqbadka Sedeexdii sano ee ugu dambeysay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

Munaasabadda oo ay goob joog ahaayeyn wasiiro, Xildhibaano ,Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kala duwan ayeey ugu horeyn Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif Maxamed waxey ku bidhaamisay In seddexdii sanno ee lasoo dhaafay ay adeeg caafimaada oo lacag la’aana u sameeyeyn ku dhawaad Laba Boqol oo kun oo bukaan oo ka kala yimid Gobolada dalka oo dhan, waxeyna dhinaca kale ku baaqday in dadka Soomaaliyeed ay sameeyaan isku-tashi dhaqaale si loo dardargeliyo howlaha kala duwan ee Isbitaalka oo ay kusoo hirtaan bulshada kuwooda ugu nugul.

Agaasimihii ugu horeeyay ee Isbitaal Banaadir Cabdicasiis Xaaji Gacal Ayaa dhankiisa tilmaamay in Isbtaal Banaadir oo markii ugu horeysay la aasaasay sanadkii 1977 uu weligaa ahaa mid shaqooyinkiisa la mahdiyo maadaama uu ahaa Isbitaalka kaliya ee xilligaas lagu dabiibi jiray Hooyadda iyo Dhallaanka.

Senator Zamzam Daahir Maxamuud iyo Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Basmo Caamir Jakeeti oo munaasabadda ka hadlay ayaa maamulka iyo shaqlaha Isbitaal Banaadir ku amaanay shaqada hufan oo ay dalka u hayaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay In marxalad adag oo lagu dhiiraday laguna guuleysatay ay aheyd talaabadii dib loogu howlgaliyay Isbitaal Banaadir oo shaqo adag bulshada u haya , wuxuuna dhinaca kale xusay inay ka xukuumad ahaan ku dadaali doonaan sidii loo garab istaagi lahaa bahda caafimaadka oo uu sheegay inay bogaadin mudanyihiin.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowsiyo Abiikar Nuur oo munasabada soo xirtay ayaa Dadka Soomaaliyeed ayaa bogaadisay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaal Banaadir oo ay sheegtay in iyaga oo duruuf adag ku shaqeenaya ay ku dadaaleyn sidii ay caafimaad wanaagsan u heli lahaayeyn Hooyooyinka iyo Ubadka Soomaaliyeed.
Dr Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ku buurisay inay isku tashi sameeyaan si ay uga dhabeeyaan hadafka bahda Caafimaadka ee ah in la gaaro Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda shahaadooyin lagu dhiirigelinayo la gudoonsiiyay qaar kamida maamulka iyo howlwadeenadii muujiyay shaqo wanaaga.

Previous Post

Ciidanka DANAB oo howlgallo ka dhan ah argagixisada ka fuliyey deegaano dhaca J/Hoose

Next Post

Jadwalka doorashada Shan kamid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Next Post
Jadwalka doorashada Shan kamid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Shan kamid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In