Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro: Wasaaradda Deegaanka oo bilowday wajiga 1-aad ee dhireynta Muqdisho 

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
3 years ago
in Wararka
0
Sawirro: Wasaaradda Deegaanka oo bilowday wajiga 1-aad ee dhireynta Muqdisho 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 30ka Disember 2022: Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Gobolka Benaadir ku wareejisay dhir noocyo kala duwan leh oo qeyb ka qaadaneysa qorshaha dhireynta caasimadda.

Waa tallaabadii koowaad ee hirgelinta aragtida madaxweynaha ee “Soomaaliya Cagaaran” oo hiigsaneysa in 100 kun oo geed lagu beero magaada Muqdisho, si ay tusaale ugu noqoto dhammaan magaalooyinka kale ee dalka.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Geedaha oo ah nooc ku haboon cimilada Muqdisho, dhaqso kori og, bilicda caasimaddana qeyb weyn ka qaadan kara ayaa waxaa ku deeqay Great green wall iyo University of Peace.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Dr. Siciid Maxamed Cali ayaa sheegay in Wasaaradda oo fulineysa amarkii madaxweynaha ee ahaa in dhireynta gobolka Benaadir la billaabo ka hor dhammaadka sanadka ay gobolka ku wareejisay geedihii aasaaska u ahaa fulinta howshan, taas oo muujineysa ka go’naanshaha mas’uuliyiinta wasaaradda hirgelinta Soomaaliya Cagaaran.

“Waddada ugu haboon ee natiijada degdegta ah keeni karta ee aan kula dagaallameyno isbedelka cimilada waa inaan dhirtii la xaalufiyay dib usoo celino oo dhulkeena aan dib usoo nooleyno” ayuu yiri Dr. Siciid.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa ballan qaadday in dhammaan dalka lagu beeri doono 10 Milyan oo geed, si dib loogu soo celiyo doogga iyo keymaha loogana soo kabsado xaalufkii dalka ka dhacay muddadii burburka, taas oo la aaminsan yahay inay wax weyn ka bedeli doonto abaaraha soo laalaabtay.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Sawirro: Guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka oo Turkiga kula kulmay madaxda Bisha Cas

Next Post

Sawirro: Khawaarij badan oo maanta lagu laayey gobolka Jubbada Hoose

Next Post
Sawirro: Khawaarij badan oo maanta lagu laayey gobolka Jubbada Hoose

Sawirro: Khawaarij badan oo maanta lagu laayey gobolka Jubbada Hoose

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In