Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Hoos u dhac ku yimid ganacsigii ay lahaayeen Soomaalida K/Afrika

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Sawirro+Hoos u dhac ku yimid ganacsigii ay lahaayeen Soomaalida K/Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika laguna qabtay Xarunta Safaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay Safiiirka Soomaaliya ee dalkaasi,Madaxda Safaaradda,ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolada ay Soomaalida u badantahay ee dalka South Africa waxaana kulanka looga hadlayay arrimo badan oo quseeya ganacsiga Soomaalida.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026

Waxaa lagu falanqeeyay intii uu socday kulanka sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ganacsatada Soomaalida ka heysta dhanka ganacsiga, Suuqyada Dalka K/Afrika, sidii dabagal loogu sameyn lahaa weerarada loo geysto Soomaalida, iyo waliba arrimo la xiriira sharciyada iyo qodobo kale oo muhim ah .

Ganacsatada kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in uu jiro hoos u dhac ku yimid ganacsiga Soomaalida ay ku lahaayeen deegaanada tuulooyinka ah, sidoo kale waxaa ay xuseen in  barakicin xoogan  lagu haayo goobaha ganacsiga Soomaalida taa oo timid markii inta badan goobaha ganacsiga Soomaalida laga iibiyay ganacsato Ajaanib ah,taana ay keeni karto in Soomaalida laga saaro suuqyada ganacsiga ee dalkaan Koofur Afrika oo hore ay si weyn uga dhax muuqdeen.

Ka soo qeybgalayaasha shirka qaar ka mid ah oo hadlay waxaa ay sheegeen in dhibaatooyinka soo cusboonaday qaarkood ay sababeen caqabado heysta milkiilayaasha goobaha ganacsiga Soomaalida ee ku yaala deegaanada tuulooyinka ah,waxaana caqabadahaasi ay isugu jiraan kuwa la xariira arrimo amni iyo qaar kale oo ka timid shaqaalo la’aan ku dhacday goobaha ganacsi oo ay dhalinyaradii ka shaqeyn laheyd qaarna ay sharciyadii ku dhiban yihiin kadibna dalkii isaga laabtay ama u tahriibay dalal kale ee caalamka.

Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka K/Afrika Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo kulanka soo gaba gabeeeyay ayaa u balan qaaday Soomaalida Dalkaaskunool in ay dowr weyn ka cayaari doonaan isla markaana ay safaaradda diyaarisay qorshe sanadka 2018 isbdal weyn loogu sameeynayo.

“Safaarada waxaa ay diyaarisay qorshe cusub oo lagu howlgalayo sanadka 2018 ka haduu Alle na gaarsiiyo, waxaan noo diyaar ah in wado walba aan u marno sidii aan ku badbaadin laheyn hantida iyo nafta ganacsatada Soomaalida isla markaana aan helno xaquuqda ay leeyihiin ganacsatada Soomaalida, lakiin la’aantiin ma shaqeyn karno waxaa loo baahan yahay in aad nala shaqeysaan”Ayuu yiri Danjire Jamaal Barrow.

Ka soo qeybgalayaasha shirka waxaa ay xuseen in loo baahan yahay in qeyb walba oo bulshada ka mid ah ay doorkeeda ka cayaarto sidii loo joojin lahaa arrimahaan safaaradana ay ka caawiso dhanka sharciyada iyo sidii looga heli lahaa dowladda K Afrika in wax laga qabto dhibaatooyinka loo geysto ee isugu jira dilalka iyo boobka goobaha ganacsiga waxaana lagu balamay in kulamadaan ay sii socdaan isla markaana  laga soo saaro arrimo dhaxalgal u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka K/Afrika.

Previous Post

Madaxweyne Kenyatta Doorashada Khamiista ma dhaafayso

Next Post

Wafdi uu hugaaminaayo G/Aqalka sare oo maanta ku wajahan Garoowe

Next Post
Wafdi uu hugaaminaayo G/Aqalka sare oo maanta ku wajahan Garoowe

Wafdi uu hugaaminaayo G/Aqalka sare oo maanta ku wajahan Garoowe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In