Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+Maamulka Puntland oo sii daysay Maxaabiis Soomaali iyo Ajaanib isugu jirta

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Sawirro+Maamulka Puntland oo sii daysay Maxaabiis Soomaali iyo Ajaanib isugu jirta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Shalay oo Khamiis ahayd u fariisatay dacwad ka dhan ahayd Maxaabiis u dhalatay Dalka Iraan, kuwaas oo loo haystay inay si sharci darro ah kaga kalluumaysanayeen Xeebaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaannada uu maamulka Puntland ka arrimiyo.

Maxabiistan oo xilligii lasoo qabanayay oo ahayd 5/10/2017-kii laga dilay Naaquudihii Doonta, markii uu isku dayay inuu baxsado ayaa mudo 8 Bilood ah waxay ku jireen Xabsiga dhexe ee Boosaaso, Waxana horay u xukuntay Maxkamada darajada Koowad ee Gobalka Bari.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Puntland Maxamuud Xassan iyo Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari, Bashiir Hobaley, ayaa dhagaystay eedeymaha loo haystay 17-ka Nin ee Iiraaniyiinta ah.

Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed , ayaa dhagaysiga ka dib wuxuu Xorriyaddoodii u celiyay 17-ka Maxbuus ee Iiraaniyiinta ahaa iyo Wakiilkii Doonta oo Soomaali ahaa.

Doonta Al-Saciidiya ee ay wateen Kalluumaysatada Iiraaniyiinta ah ayaa waxaa la wareegay maamulka Puntland, halka magta Naaquudihii Doonta oo Sunna ahaa lana oran jiray Xaydar Cabdalla, ay Maxkamaddu ku xukuntay in uu la wareego maamulka Shirkadda Al-Saciidiya.

Dhinaca kale Saraakiisha Maxkamada sare ee puntland ayaa kormeeray Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Sooomaali u badan oo dembiyo kala duwan loo haysto, waxaanay Maxaabiista ka waraysteen xaaladda Xabsiga ay ku nool yihiin iyo caqabadaha haysta.

Qaybo kamid maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso oo dembiyo fudud loo haystay ayey Maxkamadu ammartay in xorriyaddooda dib loo siiyo ka hor Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay Maalmo yar uun ka harsan yihiin.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho u yimid Caawinta Dadka ay saameysay Fatahaada “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Jimce 11-5-2018

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Jimce 11-5-2018

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Jimce 11-5-2018

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In