Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

“Sawirro”Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkey oo la kulmay dhalinyaro tababar uga socdo magaalada Ankara

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta waxa uu magaalada Ankara kula kulmay shaqaale ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo dhiira galinta maalgashiga  Somalia oo tababar la xariira isku xirka Safaaradaha Somalia ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda u yimid Turkiga .

Shaqaalahaan oo tiradooda gaareyso toban shaqaale isla markaana uu kamid ahaa Xoghayaha labaad ee  Safaaradda Soomaliya ee Ankara Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) ayaa waxa uu safiirku kala hadlay halka uu u maraayo tababarkooda iyo hawlaha horyaala ee la doonaayo in ay u qabtaan qarankooda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Safiirka ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in shaqaalahaan loo tababaro isku xirka Safaaradaha Somalia ee ku yaala caalamka ee dhanka Tiknoolajiyadda,isla markaana horay aysan u dhicin in tababarkaan ay qaataan shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda ee tababarka qaadanaya oo isagana ka hadlay goobta ayaa sheegay inta ay joogaan Turkey ay qaadanayaan tababar wanaagsan, isla markaana ay kasoo bixi doonaan hawsha loo xilsaaray, waxa ay barteena ugu adeegi doonaan dalka iyo dadka Somaliyeed.

Ugu danbeyntii Shaqaalahaan ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxa ay magaalada Ankara joogaan maalintii shanaad iyaga oo si wadajir ah u qaadanaya tababarkii loogu soo diray Turkiga waxaana hadda u soo gabagaboobay qeyb ka mid ah tababarkooda iyaga oo la siiyay shahaadadii koowaad ee tababarka.

Waa markii ugu horeysay oo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo dhiirigalinta maalgashiga   loo qabto siminaar nuucaan oo kale ah oo la doonaayo in la iskugu xiro dhammaan safaaradaha ay leedahay Dowladda Soomaaliya ee ku yaala wadamada Caalamka.

safir

qalin jabin

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Howlgal lagu soo qabtay inkabadan 200 oo ruux oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In